4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Apr 2 , 2017
Maxey tahay sababtii loo afduubtay wariye Hanad Cali Guuleed?


Axad, April, 02, 2017(HOL)-Saddex maalin ka hor afduubkiisa ayuu nasoo booqday, waxaana uu ii sheegay in ay wadaan barnaamij lagu caawinayo dadka abaarta iyo macluusha ay saameysay.

Soomaali badan oo aan ka mid ahay, ayaa fakarkaasi aad ula dhacay, waxaan Allah aan uga barinay in uu ka abaalmariyo wanaaga uu sameynaayo.

Qoyska Wariye Hanad, waxaa afduubkan ay u sababeynayaan arrimo la xiriira howlaha gargaarka iyo Ololaha Media for Aid, ee madaxda uu ka ahaa.

Barqanimadii sabtida, waxaa isoo gaaray war sheegay in Hanad la afduubtay, balse si fudud kuma aan aamin, ilaa aan la xiriiro qoyska Hanad, oo markii dambe ii xaqiijiyay.

In Magaaladda Muqdishu, la isku afduubtay ayaa aad u adkeeyd in ay dadka aaminaan. 

Mudane Guuleed, oo ka tirsan Idaacadda Goobjoog FM, ayaa shalay laga afduubtay duleedka-galbeed ee magaaladda Muqdishu.

Waxaa la sheegay in wariyaha ay afduubteen koox hubeysan, oo ku sugayay banaanka hore ee gurigiisa, waxaana xiligii la afduubanayay uu usoo socday goobtiisa shaqada.

Wariye ka tirsan Goobjoog, ayaa Hiiraan Online u xaqiijiyay afduubka wariyaha.

Hanad Cali waxaa uu soo wacay qoyskiisa waxyar kadib, markii la afduubtay isaga oo sheegay in qol yar lagu xiray, lana jir dilay, wixii intaa ka dambeeyayna xiriir waa la waayay.

“Afduubka Hanad Cali Guuleed waxaa ay dhaawaceysaa damiirka warbaahinta Soomaaliyeed, waana sii socoshada dadaallada lagu aamusinayo saxafiga ay ka go’antahay in uu runta sheego, una noqdo codka Soomaalida aan codka laheyn”sidaasi waxaa yiri Agaasimaha guud ee Goobjoog Media Group Xasan Maxamud Maxamed.

Wasiirka cusub ee Wasaaradda Warfaafinta dowladda Soomaaliya Cabdiraxmaan Cumar Cusmaan ayaa cambaareeyay, waxaana uu soo jeediyay in talaabo deg-deg ah la qaado, si bed-qabka hanad loo maqlo.

Goobjoog Media Groups waxa ay cambaareyneysaa afuduubka Hanad Cali Guuleed, waxaaayna ka wal-walsantahay noloshiisa, ciddii afduubatayna waxa ay ugu baaqeysaa in sidhaqso ah ku daayaan, sidaasi waxaa lagu yiri qeyb ka mid ah warsaxaafadeed kasoo baxay idaacadda maxaliga ah ee Goob-joog News.

Soomaaliya waa wadanka ugu badan ee lagu dhibaateeyo, dadka ka shaqeeya warbaahinta, sida Reporters Without Borders, ay sheegtay.

Hassan Istiila
[email protected]
Mogadishu,Somalia