4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Apr 2 , 2017
Kalfadhigii Baarlamaanka maamulka Jubaland oo maanta furmaya


Axad, April, 02, 2017 (HOL) -Baarlamaanka maamulka Jubaland oo fasax in muda ah ku jiray, ayaa maanta waxaa u furmaya kalfadhigoodii caadiga ahaa, sida uu sheegay Habdhowraha Baarlamaanka Bashiir Maxamed.

Kullanka Baarlamaanka ayaa waxaa Xildhibaanada looga dhegeysandoonaa xaaladaha ka jira degaanadii laga soo doortay, gaar ahaan dhinaca abaaraha.

Madaxweynaha maamulka Jubbaland Axmed Maxamed Islaam Axmed Madoobe ayaa lagu wadaa in uu furo kalfadhiga Baarlamaanka.

Wariyaha Hiiraan Online ee magaaladda kismaayo ee xarunta KMG  ah ee maamulka Jubbaland, ayaa soo sheegaya in xildhibaanada ay ku xaadirayaan xaruunta Barlamaanka.

Wixii kusoo kordha halkaan kala soco:
 
Hassan Istiila
[email protected]
Mogadishu,Somalia