4/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Apr 2 , 2017
Wasiirkii hore ee Dekeddaha oo xalay magaalada Muqdisho ku geeriyooday

Axad, April, 02, 2017 (HOL) Waxaa xalay alle ha u naxariisteen magaalada Muqdisho ku geeeriyooday Nuur Faarax Xirsi oo ahaa Wasiirkii Dekedaha iyo Gaadiidka Badda ee Xukuumaddii hore ee Cumar C/rashiid.

Wasiirka ayaa maalmahan ku xanuunsanayay magaalada Muqdisho, isagoo lagu daweynayay Isbitaalka Erdogan Ex Digfeer, kaddib markii maskaxda dhiig kaga furmay.

Dhaqaatiirta Isbitaalka Digfeer ayaa sheegay in xaaladiisa ay aheyd mid aad qatar u aheyd, isla markaana aanay suura gal aheyn in dalka dibaddiisa loo qaado.

Wasiirkii hore ee Dekedaha ayaa ka mid ahaa Wasiiradii Xukuumaddii hore Cumar C/rashiid oo lagu waday inay xilka wareejiyaan.

Waxaa lagu wadaa in maanta lagu aaso magaalada Muqdisho, waxaa aaskiisa ka qeyb galaya mas’uuliyiin ka tirsan dowladda.

Ugu danbeyntii, Nuur Faarax Xirsi ayaa horay u soo noqday Safiirka Soomaaliya ee dalka Malaysia, waxaa uu ka soo jeedaa deegaanada Somaliland, isagoo mar furtay Xisbi la magac baxay Gurmad, hase ahaatee ku guuldareystay inuu ka mid noqdo saddexda Xisbi ee Somaliland ka jira.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]