4/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Apr 2 , 2017
Xoogagga Al-shabaab oo la wareegay deegaanka Goofgaduud ee gobolka Baay

Axad, April, 02, 2017 (HOL) – Wararka naga soo gaaraya gobolka Baay ayaa sheegaya in xoogag ka tirsan dagalaamayasha Al-shabaab la wareegeen gacan ku heynta deegaanka Goofgaduud.

Ciidamada dowladda Soomaaliya ayaa shalay isaga baxay deegaanka, taasoo u sahashay in daalyahanada Al-Shabaab ay gudaha u galaan marka kale Goofgaduud 30km u jirtay magaalada Beydhabo.

Goob joogayaal ayaa warbaahinta u sheegay Al-Shabaab ay magaalada soo galeen xoogagga Al-shabaab markii ay ka baxeen ciidamada dowladda Soomaaliya.

Ugu danbeyntii, saraakiisha ciidamada maamulka Koonfur Galbeed oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay in ciidamada dowladda Soomaaliya ay wadaan abaabul dagaal ,islamarkaana ay dhawaan gaari doonaan deegaanka Goofgaduud .

Ma’aha markii ugu horeysay oo xarrakada Al-shabaab sidan oo kale la wareegaan gacan ku heynta deegaanno siweyn ugu dhaw magaalada Baydhabo, hasse ahaatee dhaqdhaqaaqyadan ugu danbeeyay ayaa imanaya xili abaaro xoogan ay ka jiraan dhulka ku teedsan gobollada Bay iyo Bakool.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]