4/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Apr 2 , 2017
Dad ka badan 200 oo ruux oo ku dhintay daadad ku dhuftay dalka Colombia

Axad, April, 02, 2017 (HOL) – Tiro ka badan 200 oo ruux aaa lagu waramayaa in ay ku dhinteen dalka Colombia daadad xoogan oo soo rogmaday sidaa waxaa warbaahinta u sheegay madaxweyne Juan Manuel Santos.

Daadadka xooggan oo watay dabeylo ayaa inta badan burburiyay Magaalooyinka ku yaalla Waqooyiga dalka Colombia , waxaana saraakiisha Caafimaadka ay sheegayaan in ilaa iyo hadda la helay Meydadka 206 qof.

Magaalada Mocoa ayaa ka mid ah meelaha ugu badan ee ay Waxyeelado gaartay in ka badan 350,000 oo qof ayaana naftooda la cararay oo ka gudbay xadka dalka Colombia uu la wadaago dalka Ecuador.

Hay’adda Bisha Cas ayaa sheegtay in lala’yahay 220 qof ,islamarkaana daadadkaasi ay ku dhaawacmeen 300 qof.

Madaxweynaha dalka Colombia Juan Manuel Santos ayaa gaaray goobta ay wax ka dhaceen  waxaana uu ku dhawaaqay musiibo qaran in ay dhacday.

Ugu danbeyntii, ciidamada gurmadka deg deg ah ayaa wali waxaa ay wadaan Samatabixinta dadka ay waxyeeladu gaartay.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]