4/26/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Apr 19, 2017
Labadda xisbi mucaarad ee Somaliland oo xukuumadda ku eedeeyey in aanay bixin kharashkii doorashooyinka

 

Arbaco, April, 19, 2017 (HOL)- Labadda xisbi mucaarad ee Somaliland ayaa xukuumadda iyo xisbigeedda KUlmiye ku eedeeyey in aanay wali bixin dhaqaalihii ku bixi lahaa qaybinta Diiwaangelinta iyo doorashooyinka.

Labadda xisbi mucaarad ayaa sheegay in ay xukuumaddu hore u sheegtay inay bixinayso kharashka ku baxaysa doorashadda, haseyeeshee aan wali aanay bixin, taas oo ay xuseen inay walaac ku soo kordhinayso geedi socodkii doorashadda.

Xoghayaha xisbiga WADANI Maxamed Cabdilaahi Uurcadde ayaa sheegay in aanay ogolaan doonin musdambeedka madaxweynuhu soo jeediyey inuu ku ladhi doono guddida doorashooyinka.

“Waxay ahayd in kharashkii kaadh qaybinta iyo tii doorashadda in ay guddida doorashooyinku gacanta ku hayaan, sida xisbiga kulmiye iyo xukuumaduba ku balanqaadeen waxay ahayd inay bixiyaan, oo ay ku balanqaadeen maanta waxaanu ogaanay wax laba bilood ka badnayn oo kharash ah aanay Komishanku hayn”ayuu yidhi Uur-cadde.

Sidoo kale, Xoghaye ku xigenka xisbiga UCID Cabdinaasir Qodox ayaa isna xukuumadda ku dhaliilay bixin la’aanta dhaqaalihii kaga beegnaa doorashadda oo wali aan la bixin, waxaanu yidhi “warwarka dhaqaale ee jira markii hore xukuumadda ayaa balanqaaday inay bixinayso, qolooyinkii inaga caawin jiray dhaqaalaha oo boqolkiiba toddobaadan inaga caawin jiray way mooral jabeen oo hadda wax dhaqaale ah oo ay ku bixinayaan ma jirto, maadaama oo muddo kordhinteenu kordhay, xukuumadana ilaa 2015kii waxaanu ka maqlaynay inay diyaar u yihiin dhaqaaalihii ay ku bixinayeen diiwaangelinta”.

Guddida doorashooyinka ayaa sheegay in bishan April 29 bilaabi doonaan qaybinta kaadhadhka doorashooyinka oo ay ka bilaabi doonaan gobolka Awdal iyo Saaaxil, inkastoo xisbiyada mucaaradkuna ka walaacsan yihiin bixin la’aanta kharashka ku baxayo doorashooyinka iyo diwaangelinta, inkastoo xukuumaddu hore u sheegtay inay guddida doorashooyinka ku wareejiyeen lacagtii lagu qaban.

Barkhad-ladiif M. Cumar, Hiiraan Online

[email protected]

Hargeysa, Somaliland.