Madaxweyne Farmaajo oo xalay kulan la qaatay wafdiga Ahlu Sunna ee Muqdisho ku sugan
Arbaco, April, 19. 2017 (HOL) – Madaxweynaha Dowladda Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo ayaa xalay la kulmay wafdiga uu horkacayo hogaamiyaha maamulka Ahlu Sunna Waljameeca ee gobollada dhexe Sheekh Maxamed Shaakir Cali Xassan.
Waxaa sidoo kale kulanka joogay wasiirada Arrimaha Dibadda, Arrimaha Gudaha
oo ka mid ah Guddiga qeyb ka ah wada hadalada Ahlusuna iyo Galmudug, Wasiiru
dowlaha Madaxtooyada, iyo Xildhibaano.
Labada dhinac ayaa kulankooda waxaa ay uga wada hadlleen sidii loo dardarin
galin lahaa wadahalada Muqdisho uga
socda Galmudug iyo Ahlu sunna, waxaana kulanka laga soo jeediyay talooyin kala
duwan oo ku aadan wada hadalada iyo sidii uu u guuleysan lahaa.
Wasiirka Arrimaha Gudaha Cabdi Faarax Juxa oo kulanka ka hadlay ayaa sheegay
in dowladda ka go’an tahay inuu guuleysto wada hadalada Galmudug iyo Ahlu sunna.
Madaxda dowladda ayaa la filayaa inay ka qeyb galaan munaasabad lagu soo
gaba gabeynayo wada hadalada iyo saxiixa heshiiska lagu mideynayo Ahlu sunna iyo
Galmudug oo dhowaan dhici doona.
Magaalada Cadaado ayaa lagu wadaa in 30-ka bishan ka dhacdo doorashada
Madaxweynaha Galmudug, iyadoo hadii wada hadalada lagu guuleysto ay Ahlu sunna
qeyb ka noqon doonto doorashada.
C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]