4/26/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Apr 18, 2017
Hoobiyaal ku soo dhacay magaallada Muqdishu

 
Talaado, April, 18, 2017  (HOL) –Hoobiyaal ayaa galabta ku dhacay Xaafaddo ka tirsan degmadda Howlwadaag ee Gobolka Banaadir, sida dad goob-joogayaal ah ay sheegeen.

Inta la ogyahay laba qof oo carruur ay ka mid yihiin ayaa ilaa iyo hadda la xaqiijiyay in ay ku geeryoodeen, halka ku dhawaad 10 kalana ay ku dhaawacmeen Madaafiicda.

Mid ka mid ah madaafiicda ayaa ku dhacay School ku yalla degmada Howlwadaag, waxaana halkaasi ku geeryooday hal arday.

Ciidanka dowladda ayaa hadda wada howlgallo lagu baadi-goobayo kooxihii Hoobiyaasha tuuray.

Ilaa iyo hadda ma jirto cid sheegatay masuuliyada Hoobiyaasha.

16-kii bishan ciidamada Nabad Sugida dowladda Soomaaliya ayaa dilay labo nin oo ka mid ahaa koox madaafiic ka tuuray degmadda Wadajir ee gobolka Banaadir.

Mid ka mid ah labada nin ee la dilay iyo ciidanka dowladda ayaa mudo kooban isku rasaaseeyay degmadda, kadibna ninkii hubeysnaa waxaa uu galay Guri ku yaalla degmadaasi Wadajir, halkaas oo ay ciidanka markii dambe ku toogteen.

Dhinaca kale gaari ay wateen ragga madaafiicda tuuray ayaa waxaa gacanta ku dhigay ciidanka dowladda balse markii dambe gaariga oo ay ku xirnaayeen waxyaabaha Qarxa ayaa goobta ku qarxay.

Hiiraan Online,
[email protected]
Mogadishu,Somalia