Guddida Doorashooyinka SL oo shaaciyey wakhtiga la bilaabayo qaybinta Kaararkai codbixiyayaasha
Talaado, April, 18, 2017 (HOL) -Guddida Doorashooyinka
Somaliland ayaa sheegay in bishan April 29 ay labadda gobol ee Saaxil iyo Awdal
ka bilaabi doonaan qaybinta Kaadhadhka diiwaangelinta ee hore loo gallay.
Guddida doorashooyinka ayaa
xisbiyadda ugu baaqay in wakhtiga la bilaabayo qaybinta kaadhka ee booqanayaan
goobaha lagu bixinayo aan laga dhigin
qaab olole ama gobolaysi balse wacyigelin uun laga ogol yahay.
Sidoo kale waxa ka hadlay xubno
ka socday saddexda xisbi qaran oo taageeray qaabka guddida doorashooyinku u
diyaariyeen jadwalka doorashadda iyo qaybinta kaadhadhka diiwaangelinta
codbixiyeyaasha.
Gudoomiyaha Guddida
doorashooyinka qaranka Cabdiqaadir Iimaan oo shaacinta qaybinta kaadhadhka ka
hadlaya waxauu yidhi “hawshii hore ee diiwaangelinta waynigii soo samynay waxa
inoo hadhsana kaadh qaybin waxaana ku soo beegan tahay wakhti abaaro jiraan,
raxmaankiisii meelo ayeynu ka maqlayna inuu Da’ay, daruurtuna maanta way
wanaagsan tahay, Komishanka Qaranku wuxuu u kala baxayaa labddii gobol ee u
horeeyey ee gobolka Awdal iyo gobolka Saaxil iyo laba iyo toban degmo oo
gobolka Sanaag ah oo ah xeebaha, hore waxaanu u sheegnay in aanu xeebaha usoo
hormarinay cilimadda awgeed, labadda gobol ee aanu ugu horeysiinay waxay
leeyiihiin xeeb dheer, wixii bisha April
ka dambeeya kulaylkii baa la galayaa sidaas ayaanu iyaga u horumarinay,
waxaanay labadaasi gobol ka bilaabmayaa 29 April, waxaana raaci doonna guddida
farsamo ee xisbiyada oo iyaguna shirkoodii u dambeeyey saaka yeeshay oo goob
joog u noqdaan xisbiyada qaranka, waxaanu dadweynaha labadda gobol u sheegayaa
in kaadh qaybintii bilaabmayso April 29, kana bilaabmaysa labadaasi ee Saaxil
iyo Awdal iyo laba iyo toban goobood oo ka tirsan gobolka Sanaag, waa in uu
qofkii waraaqdii la siiyey diiwaangelinta la yimaada goobtii laga siiyey ama
goobtii wakhtigii dheeraga ahaa laga diiwaangaliyey”.
“Xubnaha komishankuna sadexna
waxay u baxayaan gobolka Saaxil, Afarna waxay u bixi doonaan gobolka AWDAL oo
ay joogi doonaan ilaa inta kaadhadhka la wada qaadanayo, labadda gobol ee ku
xigi doonaana waxay noqonayaan bacda Ramadaan oo kala ah gobolka Maroodi jeex
iyo Togdheer,waxaana ugu dambayn doona gobolka Sool iyo Sanaag oo laga reebi
doono laba iyo tobankaasi degmo ee gobolka Sanaag.”ayuu raaciyey hadalkiisa.
Guddoomiyaha Guddida
Doorashooyinka Cabdiqaadir Iimaan ayaa xisbiyadda qaranka ku guubaabiyey in
marka hawshan oo kale qabanayaan wacyigelin mooyee aan loo baahnayn in olole
xisbi laga dhigo ama olole gobol ama mid qabiil balse ay dadka ku wacyigeliyaan
uun in kaadhadhka la qaato.
Waxa kale oo uu xukuumadda ka
codsadeen in wixii ay uga baahdaan la garab istaagto oo Komishanka la shaqeeyaan.
Barkhad-ladiif M. Cumar,
Hiiraan Online
[email protected]
Hargeysa, Somaliland.