4/26/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Apr 18, 2017
Faafaahin: Ciidan ka tirsan dowladda oo xalay Bam-gacmeed lagu weeraray


Talaado, April, 18, 2017 (HOL) –Bam-gacmeed ayaa xalay lagu tuuray ciidanka dowladda Soomaaliya oo ku sugnaa degmadda Waaberi ee gobolka Banaadir.

Ciidanka la weeraray ayaa ku sugnaa Xaafadda Cali-Boolaay ee Degmada Waabari, sida dadka deegaanka ay u sheegeen Hiraan Online.

Qaraxa kadib, ayaa waxaa la maqlay rasaas xooggan oo ay fureen Ciidamada Dowladda ee Weerarkaasi lagu beegsaday.

Lama oga khasaaraha ka dhashay weerarka, mana jirto cid sheegatay masuuliyada Bam-gacmeedka.

Kooxihii weerarka geystay ayaa goobta isaga baxsaday, ka hor inta ciidamada dowladda aysan imaan.

Xaafadda Cali-Boolaay ee Degmada Waabari, waxa xalay ka socday howlgallo ay sameynayeen ciidanka dowladda Soomaaliya, waxaana howlgalkaasi lagu baadi goobayay dableeydii weerarka fulisay.

Maamulka degmada Waaberi, wali kama aysan hadlin weerarka iyo khasaarihii ka dhashay.

Habeenadii lasoo dhaafay, weerarada loo adeegsado bam-gacmeedyada ayaa laga soo warinayay qaar ka mid ah degmooyinka Gobolka Banaadir..

Hiiraan Online,
[email protected]
Mogadishu,Somalia