4/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Apr 17, 2017
Howlgal ka dhan ah Al-shabaab oo leysku raacay si gargaar loo gaarsiiyo dadka abaarta saameysay

 

Isniin, April, 17, 2017 (HOL) – Kaddib kulan mudo labo cisho ah uga socday magaalada Muqdisho madaxda dowladda federaalka iyo madaxweynayaasha maamul gobolleedyada ka jira dalka, ayaa leysku afgartay guluf dagaal oo ka dhan ah xarrakada Al-shabaab.

Qodobada kulanka laga saaray ayaa waxaa qeyb ka ahaa hergalinta qorshe howlgal ciidan oo mideysan oo sida loo dhigay lagu furayo jidadka u xiran wali xoogagga Al-shabaab ee gobollada dalka, si loo suurtagaliyo in gargaar la gaarsiiyo dadka ay abaaruhu ku dhufteen.

‘’ Madaxda waxa ay isla garteen in si degdeg ah loo sameeyo qorshe hawlgal ciidan oo midaysan, kaasoo lagu furayo waddooyinka halbowlaha u ah isku socodka dalka iyo xaqiijinta gaarsiinta gaargaarka dadka abaaraha la tabaalaysan.

Meelaha ugu darran ee laga soo sheegayo dhibaatada abaarta ka jirta dalka ayaa waxaa wali  go’doomin ku haya xoogagga Al-shabaab ee sida weyn uga soo horjeeda dowladda federaalka, waxaana ugu sii daran deegaannada gobollada Bay iyo Bakool, iyadoo dadka ay bilaabeen in ay u soo guuraan magaalooyinka si ay u helaan wax ay cunaan.

Madaxweynaha maamulka Koonfur galbeed Shariif Xassan Sheekh oo qeyb ka ahaa madaxdii ka qeybgashay shirkii labada cisho uga socday magaalada Muqdisho madaxda Qaranka ayaa ka dhawaajiyay muhiimada ay leedahay in leysku furo jidadka wali xiran ee dalka si gargaar loo gaarsiiyo dadka tabaaleysan.

Madaxweynaha dowladda Soomaaliya Maxamed Cabudlaahi Farmaajo ayaa dhinaciisa sheegay in dowladda uu hogaamiyo ahmiyad gaar ah siineyso la dagaaalanka Al-shabaab oo wali maamulo qeybo ka mid ah koonfurta iyo bartamaha Soomaaliya

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]