4/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Apr 17, 2017
Cudurka Shuban biyood boqolaal ruux soo ritay deegaanno hoostaga degmada Buuhoodle

 

Isniin,, April, 17, 2017 (HOL) - 350 ruux ayaa lagu daaweynayaa isbitaalka Daryeel oo ku yaala magaalada Buuhoodle duleedkeeda xili xawaare xoogan uu ku soconayo faafida xanuunka shuban biyoodka oo haatan khatar xoogleh ku haya degaankaas.

Isbitaalka Daryeel oo haatan ku dhow in dadka laga keenayo degaanada u dhowdhow Buuhoodle ay buuxdhaafiyaan, lana waayo adeeg badbaadineed ee ku filan iyo hawlwadeenada caafimaad ee gargaarka u fidinaya.

"24 saac ee la soo dhaafay 5 ruux ayaa ku dhintay magaalada Buuhoole, waxaana haa jira iskaashi hawlwadeenada caafimaad si buuxda ayay u wada shaqaynayaan hay'aday doonaan ha ka tirsanaadeen" sidaa waxa yidhi Khadar Cawl oo ah suxufi ku sugan Buuhoodle.

Waxaa soo gaadhey magaalada dhakhaatiir ka tagtay magaalada Hargeysa iyadoo uu halkaa horey ugu sugnaa Wasiirka Caafimaadka Somaliland Saleebaan Ciise Xaglatoosiye,

Xaalada Shuban Biyoodka oo sii kordhaysa degaanada Buuhoodle hoosyimaada ayaa maaliba maalinta ka danbaysa sii kordhay iyadoo dadka ku dhintay ay gaadhayaan inta la ogyahay 37 ruux.

Dadaal xoogan oo lagu jiro sidii loo xakamayn lahaa dhibaatada taagan oo ah tii ugu cuslayd ee soo marta abid degaankan, taas oo sababtay in la furo Isbitaalka Daryeel oo xidhnaa mudo 10 sano ku dhow, kaas oo uu dhisay Wasiirka Caafimaadka Somaliland ee haatan ku sugan Buuhoodle.

Degaanka labaad ee dhibaatada weyni ka taagan tahay ayaa ah halka lagu magcaabo Farjano oo Buuhoole ku dhowaad 50Km bari kaga aad oo sida la sheegay 4 ruux ku dhinteen 70 kalena ay baxnaano u jiifaan.

Seynab Cabdi Warsame

[email protected]

Laascaanood G. Sool