4/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Apr 17, 2017
Dowladda Soomaaliya oo hambalyo u dirtay Madaxweynaha Turkiga

 
Isniin, April, 17, 2017 (HOL) –War Saxaafadeed ka soo baxay Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya ayaa lagu sheegay in dowladda Soomaaliya ay u hambalyeyneyso dowladda iyo shacbiga Turkiga, kadib markii xisbiga madaxweyne Erdogan uu ku guuleystay afti shalay laga qaaday shacabka dalkaasi.

Natiijada aftidii doorashada ee madaxweynaha Turkiga awoodaha cusub siinaysa waa sharci, sida uu sheegay gudoomiyaha gudiga doorashada ee dalkaas.

Xisbiga madaxweyne Erdogan ayaa helay 51.37% halka garabka mucaaradkuna ay ka heleen boqolkiiba 48.63 guud ahaan codadkii la dhiibtay.

Warsaxaafadeed kasoo baxay dowladda Soomaaliya ayaa lagu yiri sidan “Waxaan u hambalyeynayaa Madaxweynaha Dalka Turkiga Recep Tayyip Erdoğan guushii uu ka gaaray Aftidaasi ,taas oo u horseedeysa in uu ku hogaamiyo dalkaasi karti iyo horumar, waxaana ku kalsoonahay in tallaabadii ay qaadeen dadka Turkiga ay horseedeyso hoggaamin wanaagsan”.

Dhinaca kale qoraalkaan ayaa lagu sheegay Dowladda Turkiga in ay tahay saaxiib ,qiimo leh oo kamid ah taageerayaasha caawiya Soomaaliya,taas oo aaan u aragno in ay xoojineyso xiriirka laba geesoodka ah ee u dhaxeeya labada dowladood.

Maxaa ku qoran dastuurka cusub?

Dastuurka cusub waxa uu dhigayaa in doorashada madaxweynaha iyo tan baarlamaanka xigta la qaban doono 3 nofeember 2019.

Madaxweynaha waxa uu dalka ka talin karaa laba xilo doorasho oo min shan sano ah.

Madaxweynaha ayaa si toos ah u soo magacaabi doono wasiirada iyo saraakiisha sarsare.

Wuxuu sidoo kale magacaabi karaa madaxweyne ku xigeena dhowr ah.

Waxaa meesha laga saari doonaa xilka ra'iisalwasaaraha oo uu hadda hayo Binali Yildirim.

Madaxweynaha wuxuu awood u lahaan doonaa inuu faragelin ku sameeyo waaxda caddaaladda oo uu Erdogan horay ugu eedeeyay inay u janjeeraan dhinaca wadaadka Fetxullahi Gulen.

Madaxweynaha ayaa ku dhawaaqi karo xaalad deg deg ah.

Hassan Istiila
[email protected]
Mogadishu,Somalia