4/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Apr 17, 2017
Madaxweynaha Xiriirka Kubbadda Cagta Afrika oo Muqdisho soo gaaray


Isniin, April, 17, 2017 (HOL) –Madaxweynaha cusub ee Xiriirka Kubbadda Cagta ee Qaaradda Afrika, Mr Ahmed Ahmed, ayaa maanta kasoo degay garoonka diyaaradaha ee magaalladda Muqdishu.

Wafdiga uu hogaaminayo Mr Ahmed Ahmed, ayaa waxaa garoonka diyaaradaha ee Muqdishu kusoo dhoweeyay wasiirka wasaarrada dhallinyarada iyo cayaaraha Khadiijo Maxamed Diiriye, Guddoomiyaha xiriirka Soomaaliyeed ee kubbadda cagta Cabdiqani Saciid Carrab iyo masuuliyiin kale.

Madaxda dowladda Soomaaliya ayaa la filayaa in ay la qaatan kullan looga hadlayo arrimaha ciyaaraha.

Guddoomiyaha Xiriirka K/cagta ee Jesiiradda Madagscar, Ahmed Ahmed ayaa bishii March ee sanadkan loo doortay Guddoomiyaha cusub ee Xiriirka K/Cagta Afrika (The Confedertion of African Football), kadib, markii uu ka guuleystay Guddoomiyihii hore, Ciise Xayaatu oo u dhashay dalka Cameroun, oo muddo 29-sanno hayey Xilkaasi.

Doorashadaasi ayaa ka dhacday Caasimadda dalk Ethiopia ee Addis Ababa, waxayna Labada Murashax kala heleen  Ahmed Ahmed oo helay 34 cod, halka Ciise Xyatu ka helay 20-cod.

Guddoomiyaha laga guuleystay oo 71-jir waxa uu xilkaasi hayey tan iyo sannadkii 1988-dii, wuxuuna kaalin ka geystay Horumarinta K/cagta Afrika.

Waa markii ugu horeysay ee Ahmed Ahmed, uu yimaado dalka Soomaaliya tan iyo markii loo doortay xilka Madaxweynaha Ururka Cayaaraha ee Qaaradda Afrika.

Hassan Istiila
[email protected]
Mogadishu,Somalia