4/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Apr 17, 2017
DAAWO Ciyaarahii Columbus oo la soo gabagabeeyay Shalay iyo Som. Tigers oo Koobka hantay.


Isniin, April, 17, 2017 (HOL) –Ciyaarahii  ka socday magaaladda Columbus  ee gobolka Ohio ayaa shalay lagu soo gabagaboobay  garoonkii dadnaa uu ka socday tartankaas, waxaana isagu yimi ciyaartii ugu danbaysay  aheed kooxda TMT Ohio iyo  Somali Tigers Minnesota.

Ciyaarta labada kooxood ay soo bandhigeen ayaa aheed mid farsamadeeda ay aad u sareeysay ayna ka maqsuudeen dadwaynahii boqolaalka ahaa ee u soo daawasho dagay, waxaana goolkii kowaad dhaliyey qdaqiiqadahii hore ee ciyaarta kooxda TMT Ohio, hasa yeeshee isla qaybtii hore ee ciyaarta ayaa goolkii barbardhaca ay keeneen Kooxda Somali Tigers MN ,iyagoo isla markaana gool labaad keensaday ,waxaa lagu kala nastay 2 gool  iyo 1 oo kooxda MN ku horeyso.

Qaybtii labaad ee ciyaarta markii laysku soo noqday ayaa waxaa kooxdii Minnesota ay dhalisay 5 gool oo kale halka TMT Ohio na ay keensatay gool qura, sidaa ayaa waxaa sanadkaan koobkii ku qaatay Kooxda Somali Tigers Minnesota oo 7 iyo 2 uga badisay TMT Ohio,

Kooxdan  Som Tigers oo ka dhisan gobolka Minnesota waqti ka badan 15 sano ayaa waxay tartankaan Columbus Ohio ka dhaca ay ka qaybgaleen 11 sano , waana markii kowaad ee ay ku guulaytaan , Kooxda TMT ayaa sanadkaan iyo kii ka horeeyay waxay tartanka ka galeen kaalinta labaad.

Ciyaarahaan oo ka koobnaa sadax qaybood oo kala ahaa Ciyaartooydii Cuslaatay, Dhalinyarada, iyo da’yarta  u dhaxaysa 12 jir ilaa 15 jiro, ayaa waxaa ciyaartooydii cuslaatay  ku guulaytay kooxda Minnesota ,halka da yartana ay koobkii qaateen Toronto Canada.

Intaa kadib ayaa waxaa la gudoonsiiyey abaalmarino kala duwan ciyaartooydii iyo tababarayashii kooxaha kala duwan sida tababarahii ugu wanaagsanaa oo la siiyay  Macalin Cabdulahi Main, Goolhayahii ugu wanaagsanaa Muse oo ka tirsan kooxda North star Ohio, xaga gool dhalinta waxaa la siiyay Maxamad Yare oo MN Tigers u ciyaara ayaa intii ciyaarahu socdeen 9 gool dhaliyey, halka ciyaarhankii ugu wanaagsanaa la siiyay  Asad Xasan oo isna Tigers u ciyaarayay.

Bashiir Geele oo ahaa madaxa gudiga qabanqaabada ayaa u mahadceliyey dadkii ka soo qaybgalay kooxahii ciyaarayey , dadkii taakuleeyay iyo waliba ciyaartooydii hore ee Soomaaliya oo iyaguna kulamaddan ka qaybgalay.

Bashiir Geele wuxuu HOL u sheegay in sanadkaan uu tartanku ku dhamaaday sidii ay ugu talagaleen ayna jecel yihiin in hawshaan ay sii labolabaan, waxaa kaloo Bashiir noo sheegay in sanadkaan ay garoonka ka ururiyeen lacago loogu talagalay wax ka qabadka abaaraha Soomaaliya .


Siyad Said Salah, Hiiraan Online
[email protected]
Columbus Ohio