4/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Apr 17, 2017
Madaxweyne Gaas oo sheegay in Turkiga uusan shaqa muuqata ka qaban Puntland tan iyo 2011

 
Isniin, April, 17, 2017 (HOL) –Madaxweynaha Puntland Cabdi wali Maxamed Cali Gaas, oo hadda ku sugan magaalladda Muqdishu, ayaa waxaa uu sheegay in dowladda Turkiga aysan wax muuqata oo shaqa ah ka qaban deegaannada Puntland tan iyo markii Turkiga ay yimaadeen Soomaaliya.

Mudane Gaas ayaa sheegay in Mashaariicda ay haboon tahay in la gaarsiiyo Soomaaliya oo dhan.

“Turkiga ilaa sanadkii 2011 ayuu joogaa Soomaaliya, ilaa iyo haddana shaqo muuqata oo uu ka qabtay Puntland ma jirto, dowladda Turkiga ma ahan dowlad federal ah, marka fikirka federaaliska ayaa ku yar, taasina waa sababta ay mar kasta u aadaan dowladda-Dhexe”, ayuu yiri madaxweyne Gaas.

Dhinaca kale Mudane Gaas, ayaa sheegay in Turkiga uu niyad wanaagsan u hayo Soomaaliya, balse waxaa loo baahanyahay in ay fahmaan isbedelka dalka ku dhacay, ayuu hadalkiisa uu sii raaciyay.

Madaxweynaha ayaa hadalkaasi ku sheegay mar uu warbaahinta kula hadlayay magaalladda Muqdishu.

Dowladda Turkiga ayaa mashaariic hormarineed ka fulisa Soomaaliya, gaar ahaan magaalladda caasimadda ee Muqdishu.

Hadalka Madaxweynaha Puntland Cabdi wali Maxamed Cali Gaas, ayaa kusoo aadaya xili magaalladda Muqdishu uu u joogo shirka u dhexeeya madaxda dowladda Fedaraalka iyo hogaamiyeyaasha Dowlad-Goballeedyada hoosyimaada Dowladda Fedaraalka Soomaaliya.

Hassan Istiila
[email protected]
Mogadishu,Somalia