4/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Apr 17, 2017
Ciidanka Kenya oo Qarax lagula eegtay G/Jubbada Hoose

 
Isniin, April, 17, 2017 (HOL) –Kolonyo ay la socdeen ciidanka dowladda Kenya ayaa qarax miino lagula eegtay duleedka degaanka Hoosingow ee Gobolka Jubbada Hoose.

Dadka deegaanka ayaa Hiiraan Online u sheegay, in qaraxa uu ahaa Miinada dhulka lagu aaso.

Lama oga khasaaraha gaaray ciidanka Kenya ee qeybta ka ah howlgalka Midowga Africa ee AMISOM.

Dhinaca kale Xarakadda Al Shabaab ayaa sheegtay in qarax miino ay ku dileen 7 askari oo ka tirsanaa ciidanka Kenya, balse saraakiisha ciidanka Kenya wali kama aysan hadlin Qaraxaasi.

Masuuliyiinta dowladda Soomaaliya iyo kuwa maamulka Jubaland wali kama aysan hadlin, Qaraxa miino ee lagu weeraray ciidanka Kenya.

Weerarka lagu qaaday kolonyada ciidanka dowladda Kenya ayaa kusoo aadeysay xili 12-kii bishan April, diyaaradaha dagaalka dowladda Kenya, ay duqeeyeen saldhigyo Al Shabaab ay ku leeyihiin gobolka Jubbada Hoose ee Koofurta Soomaaliya.

Duqeynta ayaa ka dhacday deegaanka Kaanjaroon oo qiyaastii 60km koonfur ka xiga Magaalladda Kismaayo.

Deegaannada ayaa waxaa maamulla Xarakadda Al Shabaab, sida dadka deegaanka ay sheegeen.

Al shabaab ayaa ku xooggan qeybo ka mid ah Jubbooyinka, waxaana dhawaan dagaal xooggan oo u dhexeeya Al Shabaab iyo ciidanka Kenya uu ka dhacay deegaanka Kudhaa.

Hassan Istiila
[email protected]
Mogadishu,Somalia