4/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Apr 16, 2017
Maxaad kala socotaa Kullanka adag ee hadda u dhexeeya kooxaha Manchester iyo Chelsea?

 
Axad, April, 16, 2017 (HOL) –Ciyaar xiisa badan oo u dhexeysa kooxaha Manchester United iyo Chelsea ayaa hadda ka socota garoonka kooxda Manchester ee Old Trafford.

Kullanka ayaa waxaa 2-0 ku hogaamineysa kooxda Manchester United, waxaana labada Gool u kala dhaliyay ciyaartooyda kala ah Marcus Rashford iyo Ander Herrera. 
Ciyaartooyda kala ah Gary Cahill iyo Diego Costa, ayaa kaarka digniinta ee Jaalaha ka qaatay kooxda Chelsea, taas oo hoos u dhigtay dhaq-dhaqaaqa xooggan ee dhinaca difaaca iyo weerarka.

Garsoore Robert Madley oo u dhashay dalka England, ayaa waxaa ka muuqata feejignaan maadaama ciyaarta ay tahay mid adag.

Ciyaarta oo hadda mareysa qeybtii labaad, ayaa waxaa ciyaartooyada kooxda Chelsea ka muuqata fir-fircooni ay doonayaan in ay ku bar-bareeyaan goolasha lagu hogaaminayo.

Laacibiinta kala ah Hazard, Costa iyo Rodriques, ayaana soo bandhigin ciyaarihii looga bartay kullamadii ugu dambeeyay ee kooxda ay ciyaartay.

Dhinaca kale Lingard iyo Rashford, ayaa laga dareemayaa dhaqaaq wanaagsan, marka la eego sida ciyaarta ay u socoto. 
Natiijada ciyaarta halkaan kala soco:

Hassan Istiila
[email protected]
Mogadishu,Somalia