4/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Apr 16, 2017
Faafaahin: Kolonyo ay la socdeen shaqaalaha hay’adda WFP oo Qarax lagula eegtay Duleedka Muqdisho

 
Axad, April, 16, 2017 (HOL) –Kolonyo ay la socdeen shaqaalaha Hay’adda Cunnada Adduunka ee WFP, ayaa qarax lagula eegtay meel u dhow deegaanka KM-13 ee duleedka magaalladda Muqdisho.

Kolonyada ayaa la sheegay in ay ka koobnaayeen labo gaari oo nooca raaxada.

Guddoomiye ku-xigeenka Deegaanka Garasbaaleey ee duleedka Muqdisho Cali Xasan Cali, ayaa sheegay in aanu jirin wax khasaare ah oo gaaray shaqaalaha hay’adda WFP.

Dhinaca kale ma jirto war ka soo baxay madaxda hay’adda Qaramada Midoobe u qaabilsan Cunnada Adduunka ee WFP.

Sidoo kale waxaa jira warar sheegaya in qaraxa uu dhaawac kasoo gaaray laba carruur ah oo ku sugnaa meel u dhow halka qaraxa uu ka dhacay.

Ciidanka dowladda ayaa hadda howlgallo ka wada duleedka magaalladda Muqdishu.

Qaraxa lala eegtay shaqaalaha hay’adda WFP ayaa ku soo beegmaya xili Al Shabaab Jimcihii lasoo dhaafay sheegteen in Shan askari oo Ugandans ah ay ku dileen qarax miino oo ka dhacay Degmadda Afgooye.

Qaraxyada miinooyinka ayaa kusoo batay deegaannada Gobolka Shabeellaha hoose iyo duleedka magaalladda Muqdishu, waxaana inta badan lala eegtaa ciidamada Midowga Africa, kuwa dowladda Soomaaliya iyo dadka kale ee Al Shabaab bartilmaameedka u ah.

Hassan Istiila
[email protected]
Mogadishu,Somalia