4/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Apr 16, 2017
AMISOM oo beenisay inay Al-Shabaab dileen 5 askari oo u dhashay dalka Uganda

 
Axad, April, 16, 2017 (HOL) –War kasoo baxay Taliska ciidanka AMISOM ayey ku beeniyeen hadal ay Al shabaab ku sheegeen inay 5 Askar oo Ugandans ah ku dileen qarax ka dhacay Gobolka Shabeellaha Hoose.

Al Shabaab ayaa Jimcihii lasoo dhaafay sheegtay in Shan askari oo Ugandans ah ay ku dileen qarax miino oo ka dhacay Degmadda Afgooye.

AMISOM ayaa sheegay in Qaraxa lala beegsaday ciiddankooda oo marayey Degmadda Afgooye, balse waxaa ay beeniyeen in askartooda waxyeelo ay ka soo gaartay Qaraxaasi.

“Kooxda u qaabilsan Miinooyinka AMISOM ayaa kala furfuray Qaraxa”, sidaasi waxaa lagu yiri warka kasoo baxay AMISOM.

Gobolka Shabeellaha hoose ayaa waxa uu ka mid yahay meelaha inta badan Qaraxyada miinooyinka ah lagula eegto kolonyada ciidamada AMISOM ee ku sugan Gobolkaasi.

Inta badan Qaraxyada ka dhaca Gobolka Shabeellaha hoose ayaa waxaa sheegta Al Shabaab, oo dagaal kula jirta ciidanka dowladda iyo kuwa Midowga Africa ee AMISOM.

Hassan Istiila
[email protected]
Mogadishu,Somalia