4/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Apr 16, 2017
Meydka nin darawal ahaa oo laga helay G/ Shabeellaha Dhexe

 
Axad, April, 16, 2017 (HOL) –Dadka ku nool Degaanka Biya-cadde ee Gobolka Shabellaha Dhexe ayaa sheegay in ay deegaanka ku arkeen meydka nin la sheegay in uu ka mid ahaa darawalada gaarida ka shaqeysa.

Marxuumka meydkiisa laga helay deegaanka ayaa waxaa magiciisa lagu sheegay Maxamed Cali.

Ilaa iyo hadda lama ogaan cida dilkiisa ka dambeysay.

Maamulka Degaanka Biya-cadde ee Gobolka Shabellaha Dhexe, wali kama aysan hadlin dilka marxuumka.

Ganacsatada deegaanka ayaa sheegay dilalka noocaan oo kala ah in aan horay loogu arkin Biya-cadde.

Meydka ayaa waxaa hadda lagu hayaa degaanka, waxaana la wadaa baaritaano iyo sidii loo aasi lahaaa meydka.

Wixii kusoo kordha halkaan kala soco.

Hassan Istiila
[email protected]
Mogadishu,Somalia