4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Apr 1 , 2017
Faafaahin: Suuqa labaad ee ugu weyn Soomaaliya oo gubtay

 

Sabti, April 1, 2017 (HOL) –Suuqa labaad ee ugu weyn Soomaaliya ee Suuq Bacaad, ayaa galabta waxaa qabsaday dab xoogan.

Ugu yaraan saddex baqaar ayaa la sheegay in ay gubteen.

Maamulka degmadda Yaaqshiid ee Gobolka Banaadir, ayaa sheegay in dabka si deg-deg ah loo damiyay, iyadoona ilaa iyo hadda aan si rasmi ah loo ogeyn waxa sababay dabka.

Gawaarida dab demiska ee maamulka gobolka Banaadir iyo kuwa ay leeyihiin shirkado gaar ah ayaa ku guuleystay inay demiyaan dabka ka kacay suuq Bacaad.

Qiiq iyo Uuro wayn oo ka kacday suuqa ayaa laga arkay qaybo badan oo magaalada Muqdisho ka mid ah.

Hassan Istiila
[email protected]
Mogadishu,Somalia