4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Apr 1 , 2017
Wiil iyo gabar wadda dhashay oo ku dhintay qarax ka dhacay deegaan hoostaga degmada Mahadaay

Sabti, April, 01, 2017 (HOL) –Deegaan hoostaga degmada Mahadaay ee gobolka Shabeellaha dhexe ayaa lagu waramayaa qarax ka dhacay in ay ku dhinteen wiil iyo gabar walaalo ah.

Qof ka mid ah dadka deegaanka ayaa warbaahinta gudaha u sheegay in qaraxa uu ahaa miino jidka lagu aasay oo lagu bartilmaameedsanayay gadiid ay la socdeen ciidamada AMISOM hasse ahaatee ay ku dhinteen wiil iyo gabar wada saarnaa mooto xiligaa goobta mareysay.

Waxaa uu intaa ku daray qarax wax khasaare ah ka soo gaarin ciidamada AMISOM marka laga soo tago dhimashada labada ruux ee rayidka ah.

Ma’aha markii ugu horeysay oo sidan oo kale dad rayid ah ku dhinteen qarax lagu bartilmaameedsanayo ciidamada AMISOM oo inta badan isticmaala gadiidka qufulan ee aan rasaastu karin.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]