4/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Apr 1 , 2017
Askar ka tirsan AMISOM oo ku geeryooday Qarax ka dhacay degmadda Afgooge

 

Sabti, April 1, 2017 (HOL) –Ciidamo ka tirsan AMISOM, ayaa qarax miino lagula eegtay Duleedka Degmadda Afgooye ee Gobolka Shabeelaha Hoose, sida goobjoogayaal ay sheegeen.

Inta la ogyahay afar Askari oo ka tirsanaa Ciidamada AMISOM ayaa ku geeriyootay Qaraxa Miino.

“Qaraxa waxaa uu ka dhacay meel u dhow deegaanka Cadow Dibille ee Duleedka Degmadda Afgooye”, goobjooge ayaa Hiiraan Online u sheegay.

Kolonyadaan oo ka ambabaxay Degmada Afgooye ayaa ku wajahnaa Deegaanka Shalaanbood ee Gobolkaasi Shabeelaha Hoose.

Maamulka Gobolka Shabeellaha hoose oo aan la hadalnay, faafaahin kama bixin khasaaraha qaraxa.

Ma jirto cid sheegatay masuuliyada weerarka, balse qaraxyada noocaan oo kala ah waxaa inta badan sheegta xarakadda Al Shabaab ee Soomaaliya.

Hassan Istiila
[email protected]
Mogadishu,Somalia