4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Apr 1 , 2017
"Warsaxaafadeed" Radio Goobjoog FM oo cambaareysay afduubka wariye Hanad Cali Guuleed

 

Sabti, April 1, 2017 (HOL) –Wariye Hanad Cali Guuleed, oo ka tirsan Idaacadda Goobjoog FM, ayaa maanta laga afduubtay duleedka-galbeed ee magaaladda Muqdishu.

Waxaa la sheegay in wariyaha ay afduubteen koox hubeysan, oo ku sugayay banaanka hore ee gurigiisa, waxaana xiligii la afduubanayay uu usoo socday goobtiisa shaqada.

Wariye ka tirsan Goobjoog, ayaa Hiiraan Online u xaqiijiyay afduubka wariyaha.

Warsaxaafadeed kasoo baxay Idaacadda Goobjoog ayaa waxaa uu u qornaa sidan:

Wariye Hanad Cali Guuleed oo war soosaare ka ah Goobjoog Television ayaa subaxnimada Sabtida waxaa rag aan heybtooda la garan ka afduubteen duleedka magaalada Muqdisho.

Guuleed ayaa maalmahan ku howlanaa olole bini’aadannimo, isagaoo wax ka aasaasay hay’adda Media for Aid, qoyskiisa waxaa ay sheegayaan in habeennadiidambe loogu hanjabayey khadka Telefanka, loona sheegay in uu howlahaasi kaharo.

Qoyska Hanad, waxaa afduubkan u sababeynayaan arrimo la xiriira howlaha gargaarka iyo ololaha Media for Aid. 

Hanad Cali waxaa uu qoyskiisa soowacay waxyar kadib markii la afduubtay isaga oo sheegay in qol yar lagu xiray, lana jir dilay, wixii intaa ka dambeeyayna xiriir lagama hayo.

“AfduubkaHanad Cali Guuleed waxaa ay dhaawaceysaa damiirka warbaahinta Soomaaliyeed, waana siiso coshada dadaallada lagu aamusinayo saxafiga ay ka go’antahay in uu runta sheego, una noqdo cod Soomaalida aan codka laheyn”sidaasi waxaa yiri agaasimaha guud ee Goobjoog Media Group Xasan Maxamud Maxamed.

Goobjoog Media Groups waxa ay cambaareyneysaa afuduubka Hanad Cali Guuleed, waxaaayna ka wal-walsantahay noloshiisa, ciddii afduubatayna waxa ay ugu baaqeysaa in sidhaqso ah ku daayaan.

 
Hassan Istiila
[email protected]
Mogadishu,Somalia