4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Apr 1 , 2017
Buuhoodle:Afar qof oo u geeriyooday Shuban Biyood

Sabti, April, 1 2017 (HOL)- Illaa Afar qof ayaa u geeriyooday cudurka shuban biyoodka magaaladda Buuhoodle, illaa labaatan qof waxay u jiifaan cudurkaasi oo ka dilaacay magaaladda.

Sida wararka aanu ka helayno magaaladda Buuhoodle waxa la sheegayaa in shalay ilaa maanta dad badan uu soo ritay cudurkan Shuban biyoodka,isla markaana illaa hadda la hubo in afar qof u geeriyoodeen cudurkaasi.

Cudurkan shuban biyoodka ayaa la sheegay inuu ka jiro dhinaca Itoobiya, isla markaana dad faro badan uu soo ritay, isla markaana dad badan u laayey, waxaana cudurkan oo ah kuwo si fudud la iskugu gudbiyo ayaa dhinaca Buuhoodle usoo talaabay, haddii aan xadka la xidhan laga yaabaa inay dadka uu soo ridayaa kor usii kacayaan.

Barkhad-ladiif  M. Cumar, Hiiraan Online

[email protected]

Hargeysa, Somaliland.