4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Apr 1 , 2017
Wariye lagu afduubtay Muqdishu


Sabti, April 1, 2017 (HOL) –Wariye Hanad Cali Guuleed, oo ka tirsan Idaacadda Goob-joog Fm ee magaaladda Muqdishu, ayaa maanta laga afduubtay duleedka-galbeed ee magaaladda Muqdishu.

Waxaa la sheegay in wariyaha ay afduubteen koox hubeysan, oo ku sugayay banaanka hore ee gurigiisa, waxaana xiligii la afduubanayay uu usoo socday goobtiisa shaqada.

Wariye ka tirsan Goobjoog, ayaa Hiiraan Online u xaqiijiyay afduubka wariyaha.

Dhacdada afduubka noocaan oo kale ah, ayaa ku cusub maagaaladda, gaar ahaan in wariya la afduubtay.

Idaacadda Goob-joog, ayaa sheegtay in wariyaheeda wali la la'yahay.

lama oga cida afduubatay wariyaha, waxaa jira warar sheegaya in ciidanka dowladda ay wadaan baaritan. 

Hassan Istiila
[email protected]
Mogadishu,Somalia