4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Apr 1 , 2017
Jadwalka doorashada maamulka Galmudug oo lagu dhawaqay (Wareysi Hiiraan Online)


Sabti, April 1, 2017 (HOL) –Afhayeenka maamulka Galmudug Cabdullahi Xaashi Roob da’ay, oo wareysi kooban siiyay Hiiraan Online, ayaa sheegay in maamulka Galmudug uu ku dhawaaqay jadwalka Doorashadda madaxweynaha.

Doorashada Galmudug ee sanadkan, waxaa ay u muuqataa in meelo badan ay kaga egtahay doorashii sanadkan ka dhacay Muqdishu, taas oo aad ugu dhoweeyd dhinaca Dimuqraadiyadda.

“Waxaa la mudeeyay waqtiga araaja qabashada, maalinta dooda musharixiinta iyo maalinta doorashada madaxweynaha la qabanaayo” sidaasi waxaa Hiiraan Online u sheegay Cadbdullahi.

Musharixiin badan ayaa sheegay in ay u taaganyihiin xilka madaxweynaha Galmudug.

26, bishii February, Madaxweynaha Maamul Goboleedka Galmudug C/kariin Xuseen Guuleed ayaa sheegay inuu iska casilay xilkii Madaxweynenimadda Galmudug, Sababo la xariira xaga caafimaadkiisa sida uu sheegay.

Halkaan ka aqriso jadwalka doorashada:-

 

Hassan Istiila
[email protected]
Mogadishu,Somalia