4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Apr 1 , 2017
Kolonyo ay la socdeen AMISOM oo qarax lagula eegtay Shabeelaha Hoose

 

Sabti, April 1, 2017 (HOL) –Wararka naga soo gaaraya deegaanka Lambar 50, ayaa sheegaya in kolonyo ay la socdeen ciidamada AMISOM, qarax lagula eegtay inta u-dhexeysa deegaanadda Caddoow Dibile iyo Number 50 ee gobolka Shabellaha Hoose.

Dadka deegaanka ayaa sheegay in bur-bur uu gaaray mid ka ah gawaarida ciidanka la beegsaday.

Khasaaraha ka dhashay qaraxa, wali si rasmi ah looma shaacin.

Maamulka Gobolka Shabeellaha hoose oo aan la hadalnay, faafaahin kama bixin khasaaraha qaraxa.

Ma jirto cid sheegatay masuuliyada weerarka, balse qaraxyada noocaan oo kala ah waxaa inta badan sheegta xarakadda Al Shabaab ee Soomaaliya.

Hassan Istiila
[email protected]
Mogadishu,Somalia