4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Apr 1 , 2017
Goormuu furmayaa kalfadhiga Baarlamaanka maamulka Jubaland?

 

Sabti, April 1, 2017 (HOL) –Habdhowraha Baarlamaanka maamulka Jubbaland Bashiir Maxamed, ayaa sheegay in kalfadhiga Baarlamaanka maamulka Jubaland uu furi doono, 2-april, oo ku beegan malinta berri oo Axad ah.

Mudane Bashiir, ayaa ka codsaday mudanayaasha Baarlamaanka in ay kusoo xaadiraan Magaaladda Kismaayo.

Kullanka Baarlamaanka ayaa waxaa Xildhibaanada looga dhegeysandoonaa xaaladaha ka jira degaanadii laga soo doortay, gaar ahaan dhinaca abaaraha.

Barlamaanka Jubaland, ayaa fasax indhawaala ah ku jiray, waxaana ay u kuurgalayeen xaaladaha deegaanada laga soo doortay.

Hassan Istiila
[email protected]
Mogadishu,Somalia