4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Apr 1 , 2017
Ciidanka Kenya oo magaaladda Nairobi ku toogtay laba qof oo mid Soomaali uu yahay

 

Sabti, April 1, 2017 (HOL) –Laba qof oo la sheegay in ay ka mid ahaayeen Kooxaha Burcada ah ee dhibaatada u geysta dalka kunool  Magaaladda Nairobi, ayaa waxaa toogtay Ciidamada loo yaqaan Flying Squad.

Dilka waxaa uu ka dhacay xaafadda Islii, gaar ahaan nawaaxiga Suuqa 1-aad ee Islii.

Mid ka mid ah labada qof ee la toogtay waa Soomaali , halka midkalena uu yahay Oromo, waxaana ay ka mid ahaayeen kooxda Super Power.

Dilka kadib, waxaa Soomaalida ku nool Islii, la sheegay in cabsi xoogan ay soo wajahday iyagoona ku nagaaday guryahooda.

Hassan Istiila
[email protected]
Mogadishu,Somalia