4/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Apr 1 , 2017
30-kun oo Shilling- Somali ah ayaa la iibinayaa 20-litter oo biya ah deegaano Somali ka tirsan

 

Sabti, April 1, 2017 (HOL) –Deegaanka Raage ceele ee Gobolka Shabeellaha Dhexe, waxaa ka taagan xaalad nololeed oo aad u daran.

Jirgaan ama labaatanlaha biyaha, waxaa qiima ahaan uu ka joogaa deegaanka 30-kun oo shilling Somali ah.

“Deegaanka waxaa ku yaallay laba ceel biyood,  mid ka mid ah qarax ayaa lagu bur-buriyay, mid kalana biyihiisa lama cabi karo, waa qaraar,  dadka hadii ay cabaan weey ku shubmayaan,  keliya waxaa cabi kara xoolaha”, sidaasi waxaa yiri Nabadoon Cabdullahi Xasan.

Sidoo kale Nabadoonka ayaa sheegay, in biyaha la keeno deegaanka laga soo arooro meel  70 km u jirta deegaanka, waxaana uu hadalkiisa uu sii raaciyay in “Oor”, lagu soo dhaamin jiray biyaha balse “Oor-tii” ay abaarta darteen ay u geeryoodeen.

Sababahaasi oo is biirsaday ayaa biyaha deegaanka ka dhigay kuwa qaali ah.

Hassan Istiila
[email protected]
Mogadishu,Somalia