4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Apr 1 , 2017
Laba gabdhood oo dhaqaalo ku taageeray Al Shabaab oo lagu xukumay dalka Mareykanka

 

Sabti, April 1, 2017 (HOL) –Laba gabdhood oo lagu eedeeyay in ay internet-ka, ka sameeyeen qol lagu sheekeyo  “Chat room”, kaas oo lacag kumanaan kun ah loogu uruuriyay  xarakadda Al Shabaab ayaa lagu xukumay xabsi.

Labada gabdhood ee la xukumay, ayaa waxaa lagu kala magacaabaa Muna Osman Jama, oo 36-jir ah, iyo  Hinda Osman Dhirane, oo 46-jir ah.

Muna, waxaa lagu xukumay 12 sano oo xabsi ah, halka Hinda lagu xukumay 11 sano oo xabsi ah.

“Dumarka ma aysan diidin in ay dhaqaalo ku taageereen Al Shabaab, ayna internet-ka ka sameeyeen qol lagu sheekeysto si Al Shabaab loogu taageero lacag”, sidaasi waxaa yiri xeer ilaaliyaha.

Maxkamad ku taalla dalka Mareykanka ayaa xukunka ku riday gabdhahaasi oo ka soo jeeda Soomaaliya.

Qareenada Difaacaya Muna Cusmaan Jaamac iyo sidoo kale Hinda Cusmaan Dhiirane ayaa sheegay in lacagaha  ay u direen dad kunool Soomaaliya oo aan aheyn Shabaab.

Hassan Istiila
[email protected]
Mogadishu,Somalia