Fannaankii Shay Mire Dacar oo Hargeysa ku geeriyooday
Isniin, 18
July 2016(HOL) Waxaa shalay ku geeriyooday magaalada Hargeysa fannaaniinkii Cabdullaahi
Mire Dacar (Shay Mire Dacar) oo ka mid
ahaa fannaaniinta Soomaaliyeed kuwa codkooda aadka loo jecel yahay, kaasi oo
dhawaanahan xanuunsanayay.
Caabbi Mire
Dacar oo la dhashay marxuumka oo la hadlay Laanta Afka Soomaaliga ee VOA-da
ayaa sheegay in walaalkiis uu ku dhintay magaalada Hargeysa sababo la xiriira
xanuunka dhaxanta oo muddo hayay.
Shay Mire
Dacar wuxuu ku dhashay Magaalada Ceerigaabo ee Gobolka Sanaag sanadkii 1969-kii
wuxuuna fanka billaabay bartamihii sideetamaadkii, isagoo caan ku ahaa
heesaha qaaciga ah ee kabanka lagu tumo, kuwaasi oo uu ku soo jiitay dad badan.
Burburkii
kaddib wuxuu Shay Mire Dacar u wareegay magaalada Boosaaso
oo uu shaqo u tegay, wuxuuna halkaas ku soo saaray heeso badan . Heesihiisa
caan baxay ee ay dadka xusuusan karaan waxaa ka mid ah Bishaaradii nafteyda, Heello
Laas-qoray iyo kuwo kale. Magaalada Hargeysa ayuu u wareegay sanadkii 1998-kii,
halkaas oo uu ku noolaa illaa uu ka geeriyooday.
Alle ha u
naxariistee Shay Mire Dacar wuxuu bandhig faneedyo u tegay dalalka Jabuuti,
Imaaraadka Carabka iyo Ingiriiska, kuwaasi oo ay ku sugan yihiin
taageerayaashiisa.
Sida dad badani ku sifeeyeen wuxuu ahaa
Shay Mire Dacar nin hadal yar oo dhowrsoon,
dadkuna ay si weyn u qadariyaan. Marxuumka wuxuu ifka kaga tegay Shan caruur ah
oo isugu jira 3 wiil iyo labo hablood.
Meydka
marxuumka ayaa maanta lagu aasay magaalada Hargeysa oo muddooyinkii ugu
dambeeyay noloshiisa uu ku noolaa.
Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
sxiis@hiiraan.com