
Isniin, July 18, 2016 (HOL) — Dagaal xoogan oo u dhaxeeya Ciidanka Puntland iyo Somaliland ayaa la soo sheegayaa in uu ka qarxay deegaanka Booda-Cadde oo ka tirsan gobolka Sanaag ka dib markii ciidamo ka tirsan Somaliland ay saldhigyo ka samaysteen deegankan oo ku dhow degmada xin-galool.
Dad goob-joogayaal ah ayaa sheegay in dagaalka uu hadda ku fiday miyiga degmada Dhahar ,iyadoo ciidamo hor leh oo ka tirsan Puntland loo diray halka uu dagaalku ka socdo sida ay sheegeen dad xog-ogaal ah.
Saraakiil labada dhinac u kala hadlay ayaa mid-ba dhinaca kale ku eedeeyay in uu dagaalka bilaabay, waxaana la ogayn tirada dhimasho iyo dhaawac ee ka dhalatay dagaalkan oo muddo saacado ah ka socda Booda-Cadde.
Dagaalkan ayaa yimid ,iyadoo maalin ka hor wasiirka amniga Puntland uu sheegay in aysan aqbali doonin in Somaliland ay ku soo xad-gudubto xuduud-deeda, waxaana digniin uu diray uu ku sheegay in laga digtoonaado dagaal dhex-mara dad Soomaaliyeed.
Boodda-Cadde oo u dhexeysa magaalooyinka Dhahar iyo Xingalool ee gobolka Sanaag waa deegaan taag ah waxaana ay 30km dhinaca waqooyi galbeed ka xigta degmada Dhahar sida ay inoo xaqiijiyeen dad ku sugan halka uu dagaalku ka socdo.
Ugu dambeyn, Somaliland ayaa la sheegay in ay olole doorashada la xiriira ay ka bilowday goobo ay maamusho Puntland oo ka tirsan gobolka Sanaag ,waxaana laga cabsi qabaa in dagaalkan uu aad ugu fido goobo badan oo ka tirsan halka uu ka dhacay.
Faysal Mohamed Hassan
Boston@hiiraan.com