5/6/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Jan 11, 2016
Madaxweynaha Khaatumo oo Dadaal Weyn ugu jira sidii loo Mideyn lahaa Maakhir & Khaatumo


Isniin, Janaayo 11, 2016 (HOL) — Madaxweynaha Khaatumo, Prof. Cali Khaliif Galeydh iyo wafdi uu hoggaaminayo oo safarro ku marayay qaar ka mid ah deegaannada Buuhoodle ayaa sheegay inay taageero u raadinayaan maamul ay Khaatumo iyo Maakhir ku mideysan yihiin.

Madaxweyne Galeydh oo ay weheliyaan qaar ka mid ah golihiisa wasiirrada, xildhibaanno dawladda federaalka ka tirsan, kuwa Khaatumo  iyo siyaasiyiin kasoo jeeda Maakhir, ayaa soo maray; Buuhoodle, Xamar-lagu-xidh iyo Balli-cad, iyagoo shacabka degaanadaas uga warrameen talaabooyin ay ku doonayaan sidii gobolada Sool, Sanaag & Buuhoodle loogu sameyn lahaa.

Prof. Galaydh oo ka hadlayay oo la hadlayay dadweynaha Degaanka Balli-cad oo Haatan xarun u ah maamulka Khaatumo ayaa wuxuu sheegay inay siyaasiyiinta Khaatumo iyo Maakhir ay ku heshiiyeen inay maamul u dhexeeya dhistaan, ayna dawladda federaalka Somalia ee uu madaxweynaha ka yahay Xasan Sheekh ay isla garteen safarkooduna uu ku salaysan yahay sidii ay u gaadhsiin lahaayeen bulshadooda.

Sidoo kale, Galayr ayaa mar uu ka hadlayay maamulka Puntland ayuu wuxuu yiri. “C/weli Gaas dad iyo dal aan kiisa ahayn ayuu leeyahay Afti ha laga qaado, taasina ma ahan mid dhacaysa, hadde geeleenuna isku sumad maaha." wuxuuna raaciyay inay dacaayad cusub tahay oo hadda uu lasoo baxay.

 Wuxuu isagoo ka hadlaya diyaar-garowga maamul u samaynta deegaanadaas in bulshadu xor u tahay iyaguna ay fududaynayaan oo keliya, wuxuuna ammaanay wasiirka amniga maamulka Khaatumo, Keyse Cabdi Yuusuf oo uu sheegay inuu yahay hawl-kar howshan gundhig u ahaa.

Xildhibaan C/waaxid C/llaahi Jaamac oo Dawladda Federaalka Soomaaliya arrintaan kala hadlayay iyo rabitaankeeda wuxuu bulshada labaddaas deggen u caddeeyay inay ka go'an tahay sidii maamul ku yimaadda rabitaankooda loogu dhisi lahaa.

Qaar badan oo ka mid ah odayaasha, Wax-garadka, Siyaasiinta iyo bulshada goobahaas ku dhaqan ayaa muujiyay sida ay uga go'an tahay yoolka maamuka Cali Khaliif higsanayo.

 Hawsha maamul u samaynta deegannadaas oo siyaabo kala duwan looga arko ayaa qaar ka mid ah bulshada ay si aad ah u hadal hayaan siyaasadda Galayr oo ay ku ammaaneen inuu yahay shaqsi dantiisa ka ka adag xilliganna ay ka yar tahay in badan taageeradii loo hayay markii maamulka Khaatumo lagu dhisay Degmada Taleex 2012-kii, waxaana la eegayaa jawaabaha ka yimaada deegaanada ay ka kooban yihiin gobollada Sool & Sanaag.

Seynab Cabdi Warsame, Hiiraan Online
[email protected]
Laascaanood, Gobolka Sool