4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Sept 9 , 2016
PETER MUNYA: Booqashadii Hargeysan aan ku tagay xiriir lama lahayn Arrimo Siyaasadeed
Jimco, September 09, 2016 (HOL) — Guddoomiyaha Gobolka Meru ee uu Jaadka Kenya ka baxo, Peter Munya, ayaa ka hadlay Booqashadii uu dhawaan Magaalada Hargeysa ku Tagay, isagoo sheegay in uusan farogelin qaranimada dowlada Soomaaliya.

Munya, ayaa sheegay in uusan ka Qoomanayn doonin booqashadii uu dhawaantan Hargeysa ku tagay, sababtii uu u booqdayna ay ahayd inuu suuq u raadiyo beeralayda Gobolka Meru ee dalka Kenya oo noloshoodu ay ku tiirsan tahay ganacsiga Qaadka ama Jaadka.

Sidoo kale, Safiirka Somalia u fadhiya dalka Kenya, Jamaal Hassan ayaa eedeyn u jeediyay Guddoomiyaha Gobolka Meru oo uu xusay inuu sababay cadaadis xoog leh oo la saaray Dowladda Federaalka Somalia taasoo sababtay in la joojiyo Qaadka ka taga Kenya ee gaara Soomaaliya.

Balse, Munye oo ka hadlayay fagaare, ayaa gelinkii dambe ee shalay xusay inuusan dhib u arkin booqashadii uu ku tagay Magaalada Hargeysa. Isagoo intaas ku daray in Xukuumadda Kenya ay Qunsuliyad ka furatay Magaalada Hargeysa, kaasoo markii dambe la xiray marka ma jirto sabab loogu doodo in la joojiyo qaadkii ay u dhoofin jirtay dalka Kenya ee la geyn jiray Soomaaliya.

“Waxaa is-weydiin leh, Ciidanka Peter Munya uu leeyahay oo fara-gelin kara Arrimaha dal ku yaalla gobolka halkee joogaan?” ayuu yiri Peter Munya oo intaa ku daray. “Arrintaas waa mid dacaayad ah, Mana joojin doono inaan xaqa ay leeyihiin Beeralayda Gobolka Meru aan u raadiyo inay beec u helaan Jaadkooda.”

Dhanka kale, Guddoomiyaha Gobolka Meru, ayaa xusay in ay tahay mas’uuliyadiisa Qaran inuu suuq uga raadiyo Dalka Somalia iyo Waddamada kale, Balse aysan wax siyaasad ah ku lug lahayn.

Ugu dambeyn, Dowladda Somalia oo ka Caroortay booqashadaas ayaa jawaab uga dhigtay inay joojiso diyaaradihii Jaadka geyn jiray Soomaaliya, iyadoo Muqdisho oo ah magaaladii Qaadka ugu badan uu tegi jiray uusan dhawr casho jaad uga imaan dalka Kenya.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya