4/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Sept 9 , 2016
Mudaaharaadyadii Meru ee qaadka joojintiisa la xiriiray oo sii socda

Jimco, Sitember 09, 2016 (HOL)-Wali waxaa degmada Meru ee qaadku kasoo go'o ee Kenya kasocda mudaaharaadyo looga soo horjeedo diyaaradaha qaadka ee Kenya amarkii lagu soo rogay.

Dhanka kale joojinta qaadka ayaa waxay gudaha Kenya ka abuurtay siyaasad kulul ayadoo ay haatan is haystaan senetarka Meru Kiraitu Murungi iyo gobernatooraha Meru, Peter Munya.

Dadka deegaanka ah ee Meru iyo siyaasiyiin kale ayaa iyana rumeysan in labadaa nin ay saamayn ku leeyihiin arinta qaadka iyo dhibta haatan lasoo daristay.

Malaayiin doolar ayaa ay sii khasaarayaan beeraleyda iyo ganacsatada jaadka ee Kenya maalin walba oo xayiraadu sii socoto.

Nin beerta jaadka oo lagu magacaabo Mick Mutembei ayaa ku eedeeyay asna hoggaamiyeyaasha xisbiga Jubilee inay siyaasadeynayaan nolosha iyo maciishada beeralyda qaadka iyo dadka ka ganacsada.

'Waxaan hubaa in Uhuru uu codad badan waayi doono hadii xayiraadu sii socoto', ayuu yiri Mr. Mick Mutembei.

Dawlada Soomaaliya ayaa iyana sheegtay in xayiraada sabab looga dhigay safar uu dhawaan Peter Munya ku tagay Hargeysa asagoo wax u eg aqoonsi ugu carrab laalaadiyay jamhuuriyada goonida isu taagtay ee Somaliland la magac baxday.

Wargeyska The Star ee Nairobi kasoo baxa ayaa sheegay in uu ogaaday in Karaitu uu la kulmay Wasiirka Duulimaadka Hawada ee Soomaaliya Cali Axmed Jangali, waa xayiraada ka hor balse wixii ay ka wada hadleen inaan la ogaan ayuu sheegay.

Isniintii ayaa uu Sacaadatu Wasiir Jangali ku dhawaaqay in diyaaradaha qaadka ee Kenya laga joojiyay Soomaaliya inay tagaan min 6da bishaan oo ah maalintii xigtay ilaa amar dambe.

Aaden M Warsame
Hiiraan Online
Caasimada Nairobi Kenya
[email protected]