4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Sept 9 , 2016
Ammaanka Magaalada Muqdisho oo la adkeeyay iyo Diyaar-garow loogu jiro Shirka Ururka IGAD

/images/2015/may/Magaalada_Muqdisho_Somalia.jpgJimco, September 09, 2016 (HOL) — Ammaanka Magaalada Muqdisho ayaa la adkeeyay, iyadoo la xiray inta badan waddooyinka muhiimka ah, sida Waddada Maka Al-mukarama iyo kuwo kale, waxaana la sheegayaa inuu dib u dhacay Shir-madaxeedka Ururka IGAD oo la filayay inuu Muqdisho ka furmo Toddobaadka soo socda.

Ciidammo kala duwan oo kuwa amniga ah, isuguna jira kuwa nabad-sugidda iyo booliiska ayaa ku sugan waddooyinka muhiimka ah, sida Waddada Garoonka Diyaaradaha ee Aadan Cadde iyo kuwa dhaw-dhaw.

Saraakiisha Hay’adaha Amniga Dowladda ayaa warbaahinta u sheegay in sababta loo xiray Waddooyinka ay tahay sidii loo Adkeyn lahaa Ammaanka Muqdsho oo lagu Wado - in Shir madaxeedka IGAD uu ka furmo.

Dhanka kale, Waxaa la Sheegay in Shirka IGAD uu Muqdisho ka furmayo Talaalada Nagu foolka leh, Iyadoo ay kasoo qayb-geli doonaan Wasiirrada arrimo dibadbadeedyada dallaka IGAD iyo Madaxweynayaasha oo uu ka mid yahay Yoweri Museveni oo ah madaxweynaha Uganda, ayna Somalia kaga sugan yihiin ciidamada ugu badan ee AMISOM.

Gaadiidka Dadweyaha iyo kuwa gaarka ah ayaa loo diiday inay maraan waddooyinka xiran, inkastoo shacabka loo ogol yahay inay lug ku maraan Waddooyinkaas, Waxaana inta badan waddooyinkan lagu arkayaa shacab badan oo lugeynaya.

Ugu dambeyn, Shir-madaxeedka IGAD ayaa wuxuu noqonayaa kii ugu horreeyay oo lagu qabto Muqdisho tan iyo markii ay burburtay Dowladdii dhexe ee Somalia, Muddo 25-sano laga joogo.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya