Jubbaland oo sheegay in ciidamadooda ay saakay la wareegeen deegaanka C/lla Biroole (SAWIRRO)
Jimco, September 09, 2016 (HOL) —
Maamulka Jubbaland, ayaa Sheegay in Saakay ay la wareegeen Ciidankooda Daraawiishta
Deegaanka C/lla Biroole ee Gobolka Jubbada Hoose oo dhanka Koonfureed kaga
beegan degmada Kismaayo Qiyaastii 60-km.
Deegaanka Cabdalla Biroole, ayaa Saldhig wayn u ahaa Malleeshiyada Al-shabaab oo dadka
shacabka ee deeganadaas degan dhibaato xoog leh ku hayey.
Ciidamada Jubbaland iyo kuwa
AMISOM oo iskaashanaya, ayaa Saakay Tuulada Cabdalla Biroole si nabad-galyo ah
kula wareegey kaddib markii ay Al-shabaab ka bexeen, iyadoo ay Shacabka
deegaankaas ku nool si diirran ugu soo dhaweeyeen ciidamada.
La-wareegidda gacan ku haynta Deegaanka
Cabdalla Biroole ayaa billow u ah Hawl-galka loogu magac darey wabiga-Jubba ee
deegaanada Jubbaland lagaga sifeynayo Maleeshiyada Al-shabaab, iyadoo Dhabar-jab
weyn ku ah deegaanada maanta gacantooda kabaxey.
Madaxweynaha Jubbaland ayaa
horey u ballan qaadey inay sida ugu dhakhsiyaha badan u bilaabayaan hawlgalka
wabiga-Jubba asagoo ugu baaqey dhalinta la
marin habaabiyey inay iskaga soo baxaan duurka deegaanadoodana si nabad
ah ugu soo laabtaan.
Arbacadii shalay yahayd, ayay ahayd
markii ay saddex ka mid ahaa Al-shabaab waxay isku soo dhiibeen ciidamada Jubbaland, sida lagu sheegay warbixinta Jubbaland ay soo saartay; iyagoo wata gaari ay kala soo baxsadeen Al-shabaab kuwaasoo Magaalada Kismaayo lagu soo
dhaweeyey laguna xareeyey xarunta dhaqan-celinta dhallinyarada la marin habaabiyay ee
kasoo goosta Al-shabaab.
Ugu dambeyn, Ciidamada
Jubbaland ayaa Deeq raashin ah gaarsiiyayShacabka deegaanka C/lla Biroole
xilli ay aad ugu baahnaayeen una go,doonsanaayeen maleeshiyada naxariista daran
ee Al-shabaab.
Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya