4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Sept 9 , 2016
Qorsheyaal lagu xasilinaayo Soomaaliya oo laisku duwayo

Jimco, Sitember 09, 2016 (HOL)-Dawlada Soomaaliya iyo beesha caalamka ayaa isku dayaya iskuna raacay habooneynsiinta dhammaan barnaamijyada xasilinta dalka.

Sidoo kale ayaa waxaa loogu tala galay khaas ahaan in barnaamijyadaa iyo hawlo kale oo xasilin ah lagu ballaariyo goobihii dhawaan Al-Shabaab laga saaray. Barnaamijyada oo laisku raacay intii uu socday shir labo maalmood ah caasimada Muqdisho ayaa looga gol leeyahay bara taarida dadaalada nabadda.

Waxaa shirkaa kasoo qeyb galay saraakiil ka tirsan dawlada Soomaaliya iyo masuuliyiin kale.

Madaxa Kooxda Shaqada ee Xasilinta iyo Soo Kabashada Dagdaga ah ee AMISOM, Dr. Opiyo Ododa ayaa sheegay in shirku u wanaagsanaa xaqiijinta qaadashada qaabka shaqo ee loogu tala galay dhammaan masuuliyiinta.

"Badi degmooyinka lasoo hadal qaaday oo xasilintu kasocoto waa degmooyin AMISOM ka saartay Al-Shabaab."  Sidaa ayuu yiri.

Shirka ayaa loo qabtay si waafaqsan Qaabka Shaqo ee Wadajir oo la bilaabay bishii Maarso si loogu taageero dib u heshiisiinta, wada hadalka dadka rayidka ah iyo hirgalinta qaabab-dhismeedka shaqo ee dawliga ah.

Aaden M Warsame
Hiiraan Online
[email protected]