4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Sept 9 , 2016
Nairobi Kenya: Diyaar garow loogu jiro ciida Carrafo xaafada Islii

Jimco, Sitember 09, 2016 (HOL)-Ayadoo haatan maalmo qura un ay ka harsan yihiin ciida weyn ee Carrafo ayaa sida meelo kaleba waxaa xaafada Islii looga diyaar garoobayaa iminka ciida iyo sidii munaasabadaa loogu dukaamaysan lahaa loona weynayn lahaa.

Dad badan ayaa haatan bacadleyaasha waaweyn u dukaameysi taga maalin walba ayadoo ganacsiga laga dareemayo dhaqdhaqaaq weyn. Sidoo kale ayaa dadku waxay dhar badan ka jaranayaan harqaanleyaasha oo ayagu la' si ay shaqada ukala qabtaan maadaama ay aad ugu badan tahay.

Dadka ayaa sidoo kale waxay soo gadanayaan macmacaan badan sida xalwada iyo buskudka iyo nacnaca iwm oo carruurta loogu tala galay.

Intaa waxaa dheer in iidaan ay tahay Carrafo oo dad badan ay doonayaa inay xoolo qalaan isla markaana ay ari badan usoo iibsanayaan ulxiyada darteed.

Si kastaba ha ahaatee, waratadii suuqa laga kiciyay ayaanan heysan wali meelo ama goobo ay ku ganacsadaan. In badan oo ka tirsan waratadaa oo Soomaali iyo dadyow kale isugu jira ayaa dhammaantood ka cabanaya iminka dhaqaale xumo iyo nolol xumo dhibaatadaasi ku keentay.

Sidoo kale, dad badan oo dan yar ah oo dharka iyo alaabada kale uga gadan jiray qiime jaban waratada ayaa haatan dhibi ka heystaa sidii ay uga soo dukaameysan lahaayeen dukaamada oo alaabadu aad uga qaalisan tahay intii ay uga heli jireen waratada gaar ahaan dharka ayadoo haatan maalmo ay ka harsan yihiin ciida weyn ee Carrafo.

Dukaanleyda ayaa ka cawday asbuucii lasoo dhaafay waratada oo sheegay in suuq la'aan ay keeneen ayagoo iridihii laga soo galayay dukaamadooda iyo waddoooyinkii ka xiray.

Intaa kadib ayaa waxaa kala eryay waratada ciidamada booliska iyo minishiibiyada caasimada Nairobi [kanjo].

Aaden M Warsame
Hiiraan Online
Caasimada Kenya ee Nairobi
[email protected]