4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Sept 9 , 2016
Nairobi Kenya: Waddooyinkii Islii oo waasac noqday kadib markii waratadii laga kiciyay

Jimco, Sitember 09, 2016 (HOL)-Asbuucii hore ayaa waratada suuqa laga kiciyay xaafada Islii haatana waddooyinka ayaa noqday kuwo waasac ah.

Si kastaba ha ahaatee, waratadii suuqa laga kiciyay ayaanan heysan wali meelo ama goobo ay ku ganacsadaan. In badan oo ka tirsan waratadaa oo Soomaali iyo dadyow kale isugu jira ayaa dhammaantood ka cabanaya iminka dhaqaale xumo iyo nolol xumo dhibaatadaasi ku keentay.

Sidoo kale, dad badan oo dan yar ah oo dharka iyo alaabada kale uga gadan jiray qiime jaban waratada ayaa haatan dhibi ka heystaa sidii ay uga soo dukaameysan lahaayeen dukaamada oo alaabadu aad uga qaalisan tahay intii ay uga heli jireen waratada gaar ahaan dharka ayadoo haatan maalmo ay ka harsan yihiin ciida weyn ee Carrafo.

Dukaanleyda ayaa ka cawday asbuucii lasoo dhaafay waratada oo sheegay in suuq la'aan ay keeneen ayagoo iridihii laga soo galayay dukaamadooda iyo waddoooyinkii ka xiray.

Intaa kadib ayaa waxaa kala eryay waratada ciidamada booliska iyo minishiibiyada caasimada Nairobi.

Aaden M Warsame
Hiiraan Online
Caasimada Nairobi Kenya
[email protected]