4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Sept 8 , 2016
Danjiraha Cusub ee Jabuuti u joogi doona Somalia oo Maanta Warqadihii Aqoonsiga laga Guddoomay
Khamiis, September 08, 2016 (HOL) — Wasiirka Arrimaha Dibadda Somalia, Dr. C/salaan Hadliye Cumar, ayaa maanta kaga Guddoomay Xafiiskiisa Nuqullo ka mid ah; Warqadaha Aqoonsiga Danjiranimo Safiirka Cusub ee Dowladda Jabuuti u Qaabilsan Soomaaliya, Aden Hassan Aden.

Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Dhiirigelinta Maalgashiga iyo Safiirka cusub oo kulan wada yeeshay ayaa ka wada hadlay xoojinta xiriirka laba geesoodka iyo iskaashiga dhinacyada badan leh ee labada dal ka dhaxeeya.

Soomaaliya iyo Jabuuti waa laba dal oo Walaalo ah, kana dhaxeeya xiriir sal adag, ayaa lagu yiri war-saxaafadeed kasoo baxay Wasaaradda Arrimaha Dibadda Dalka Soomaaliya.

Somalia ayaa kaalin balaaran ku laheyd gobonnimada wadanka Djibouti, iyadoo aqoonsatay Qarannimada iyo madax-banaanida Waddankaas, isla markii lagu dhawaaqay gobonnimada dalkaasi oo ku beegneyd 27-kii Juun, 1977-kii, waxaana labada Dal ay u Saldhigeen xiriir diblomaasiyadeed iyo iskaashi wadaag ah oo ku dhisan walaalnimo.

Dowladda Djibouti waxa ay kaalin firfircoon ku leedahay dalalka ciidamada ugu deeqay howlgalka nabad ilaalinta midowga Afrika ee Soomaaliya (AMISOM) oo hab wadaag ah kula shaqeeya Ciidanka Xoogga dalka Soomaaliya (XDS).

Ugu dambeyn, Ciidamada Jabuuti, ayaa waxay ka howlgalaan Degmooyin ka tirsan gobolka Hiiraan ee bartamaha dalka Soomaaliya , waxaana dadka Soomaaliyeed ay ugu magac dareen “Hiil Walaal”.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya