Safiirada Somalia ee Pakistan oo la kulantay Wasiirrada Waxbarashada iyo Caafimaadka (SAWIRRO)
Khamiis, September
08, 2016 (HOL) — Safiirada Somalia u fadhida dalka Pakistan Khadijo Maxameed Al-makhtuumi, ayaa la Kulantay Wasiirrada Waxbarashada iyo Caafimaadka ee Waddanka Pakistan, kuwaasoo ay kala hadashay arrimo fara badan oo muhiimad gaara ah u leh labada waddan.
Danjire Khadija oo kulanka koowaad
la qadatay Wasiirka Waxbarshada, Muhamad Baligh-u-Rehman ayaa waxyaabihii laba
dhinac ay isla soo qaadeen waxaa ka mid ahaa; Hormarinta xiriirka labada dal, dib
u soo nooleynta heshiiskii waxbarashada ee Somalia iyo Pakistan ay gaareen
muddo laga joojo 30-sannadood, Tayeynta iyo joogtaynta xiriirka iyo iskaashiga Waxbarasho
ee ka dhexeeya Wasaaradaha Wax-barashada ee Somalia Pakistan iyo Kordhinta Deeqaha
Waxbarasho ee Pakistan ay siiso ardayda Soomaaliyeed.
Kulankan ayaa waxaa sidoo
kale goob-joog ka ahaa Wafdi ka socda laanta Tacliinta sare ee Dalka Pkistan ee
loo yaqaano (HEC) iyo Xog-hayaha koobaad ee safaaradda Soomaaliya ee Islamabad,
C/llaahi Xaaji Daa’uud, waxaana intii uu socday wasiirka waxbarashada Pakistan
uu ammanay ardayda Soomaaliyeed ee dalka Pakistan wax-ka-barata, isagoo sidoo
kale soo dhaweeyay Dalabka ah in Xuukumadda Bakistaan ay kordhiso Deeqaha Waxbarasho
ee ay siiso Soomaaliya.
Sidoo kale, Danjire Khadija ayaa
kulan la qaadatay Wasiiradda Caafimaadka Pakistan, Saira Afzal, waxayna
ka wada-hadaleen xiriirka Dhanka Caafimaadka ee ka dhexeeya Soomaaliya iyo
Pakistan, iyadoo danjiruhu ay ka dalbatay wasiiradda in ardayda Soomaaliyeed lasiiyo
tababar dhanka caafimaadka ah marka ay soo gaba-gabeeyaan waxbarashada.
Kulanka dhex-maray Safiiradda
Somalia iyo wasiirrada Bakistaan, ayaa ahmiyad gaar ah u leh labada waddan,
waxaana Wasiirada Pakistan ay xuseen inay mar walba ku faraxsan yihiin soona
dhaweynayaan ardayda Soomaaliyeed ee wax barashada u taga dalka Pakistan iyo
sidoo kale xoojinta xiriirka labada waddan.
Ugu dambeyn, Dalka Pakistan
waxaa wax ka barta Boqolaal arday oo Somaaliyeed kuwaasoo barta noocyada kala
duwan ee Cilmiga sida; Caafimaadka, Dhaqaalaha, Xiriirrada Caalamiga ah, Siyaasadda
iyo kuwo kale.
Ibraahim Baafo, Hiiraan
Online
[email protected]