4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Sept 8 , 2016
Mudaaharaadyo ka dhan ah mamnuucida diyaaradaha qaadka Kenya laga mamnuucay Soomaaliya oo ka dhacay Kenya

Khamiis, Sitember 08, 2016 (HOL)-Mudaaharaadyo ka dhan ah amarka looga mamnuucay diyaaradaha qaadka Kenya geeya Soomaaliya inay qaad geeyaan Soomaaliya ilaa amar dambe ayaa ka dhacay Kenya gaar ahaan degmada Meru.

Degmada Meru ayaa ah degmada qaadku kasoo go'o Kenya. Shalay galab ayaa waxaa mudaaharaadyo hareeyeen magaalada Maua ee degmadaasi Meru ayadoo beeraleyda iyo ganacsatada jaadku ka cabanayeen dhibaatada ganacsigooda soo food saartay.

Waxay eedeyn dusha kaga tuureen dawlad deegaanka Meru ee uu Mr. Peter Munya hoggaamiyo iyo dawlada Soomaaliya.

Sidoo kale ayay ku eedeeyeen hoggaamiyeyaasha degmadaasi inay ka baaqsadeen inay baajiyaan xayiraada.

Peter Munya ayaa ah gobernatooraha degmada Meru waxaana warar soo baxay sheegeen in loo aaneynaayo safar uu dhawaan ku tagay Hargeysa oo dawlada Soomaaliya aysan jecleysan. 

Si kastaba qaar ka tirsan mudaaharaadeyaasha ayaa difaacay Gobernatoore Peter Munya, golaha dawlad deegaankaasna, xildhibaanada ayaa ku kala qeybsamay in gobernatooruhu eeda leeyahay iyo in kale.

Aaden M Warsame
Hiiraan Online
Caasimada Kenya ee Nairobi
[email protected]