4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Sept 8 , 2016
Soomaalida degan Magaalada Attalanta ee dalka Maraykanka oo Horumar baaxad leh ka sameeyay dhinacyo kala duwan (Sawirro)

Khamiis, Sitember 08, 2016 (HOL)-Magaalada Atlanta ee gobolka Georgia ayaa waxey ka mid tahay magaalooyinka waa weyn ee ay ku nool yihiin Soomaalida ku dhaqan wadankan Mareykanka, isla markaasna ay ku haystaan ganacsiyo kala duwan.

Ka hor mudo 40 sanno ku dhow ayey dadkii ugu horeeyay oo Soomaaliyeed yimaadeen magaaladaan,iyagoona markii hore u yimid siyaabo kala duwan oo ay ka mid aheyd waxbarasho iyo shaqo.

Khaliif Maxamed waa qofkii labaad oo Soomaali ah oo yimaado magaalada Atlanta. Wuxuuna u sheegay Hiiraan Online in sannadii 1974 uu yimid Mareykanka balse afar sano ka dib 1978 uu ka soo wareegay magaalada New York oo uu ku soo dagay.

Khaliif oo mudo 38 (Soddon iyo Sideed) sannadood ah dagan magaalada Atlanta, ayaa tibaaxay in hal qof oo Soomaali ah oo uu ku sheegay magaciisa Xasan Buraale uu ogu yimid Atlanta.

Bilowgii Soomaalida Atlanta ayuu ku sheegay Khaliif iney kala aheyd badankeedu labo wakhti oo kala ahaa; Sideetameeyadii oo uu tilmaamay iney yimaadeen dad waxbarasho Somalia looga soo diray iyo kuwa Carabaha ka yimid. Balse tiradii ugu badneyd ee Soomaali ah ayuu sheegay iney yimaadeen wixii ka dambeyay 1990 burburkii dowladdii dhexe ee Somalia.

Sidoo kale Cabdullaahi Maxamed Oday oo yimid Mareykanka 1965, ayaa hadda waxa uu ku nool yahay magaalada Atlanta.

Oday sidoo kale wakhti dheer daganaa magaaladaan, ayaa ka sheekeyay marxaladihii ay soo mareen Soomaalida Atlanta iyo in ay jireen xilliyo ay aad Soomaalidu ugu badnaayeen magaaladaan.

Wakhtigaan la joogo Soomaalidu waxey ka dhex muuqdaan magaalada oo waxey ku leeyihiin ganacsiyo kala duwan oo ay ka mid yihiin; Dukaamo lagu iibiyo dharka iyo Cunooyinka, Makhaayado, Suuq weynayaal.

Waxeyna sidoo kale ka bayacmushtaraan iibka Baabuurta, waxeyna iska leeyihiin qaarkood Gawaarida waa weyn ee xamuulka qaado. Guryana waxey ku kala leeyihiin xaafadaha kala duwan ee magaalada.

Balse taas badalkeeda waxaa aad u badan guuritaanka Soomaalida la keeno magaaladaan iyo kuwii horay u daganaa ee u guuro dhanka gobolada Minnesota iyo Ohio oo ay Soomaali badan ku og’yihiin.

Aadan Sanbul waa ganacsade caan ka ah magaalada Atlanta. Wuxuu leeyahay goobo ganacsi oo Soomaalidu ay aad u yimaadaan.

Wuxuu ka jawaabay su’aal aan weydiinay oo ku saabsaneyd sababta ay Soomaalidu oga tagaan magaaladaan?

“Magaaladaan waa magaalo shaqo, dadka la qabsan waayana wey guuraan oo Ohio iyo Minnesota ayey aadaan, balse waxaa jiro dad fahmay magaaladaan oo shaqeystoa carruurtooduna ay waxbartaan”, ayuu yiri Aadan Sanbul oo intaas ku daray in dadka Soomaaliyeed ee Atlanta dagan ay yihiin kuwa horumar ka sameyay dhanka Ganacsiga.

Mukhtaar Maxamed Abuukar (Mukhtaar Gaywaroow) waa Maamulaha Suuqii ugu horeeyay oo Soomaali ay ka furtay magaalada Atlanta. Wuxuuna sidoo kale yahay Harqaanlaha kaliya ee Soomaaliyeed ee magaaladaan ka shaqeeyo. Suuqa uu maamulo Mukhtaar Gaywaroow oo lagu magacaabo international Mall, ayaa waxaa la furay sannadkii 2001; wuxuuna ku yaallaa Xaafada Clarkston ee degmada DeKalb oo inta badan ay dagan yihiin Soomaalida Atlanta.

Magaalada Atlanta ayaa Soomaalida waxey u leedahay taariikh gooni ah, waxaana ku yaallo Masaajidkii ugu horeeyay oo Soomaali ay ka dhiseen North America. Waxaana sannad kasto mar lagu qabtaa ciyaaro ay ka qeyb galaan dhalinyaro Soomaaliyeed oo ka kala yimaado gobolada kala duwan ee Mareykanka.

Soomaalida ku dhaqan magaaladaan oo sheegto iney yihiin kuwa ay ku yar tahay Qabyaalada laga sheego Qurbaha, ayaa waxaa ka dhaxeeyo hal Qabuure oo duug ah, kaasoo hadda socdo mudo 20 sanno ku dhow, isla markaasna loogu tala galay in lagu xabaalo dadka ka geeriyoodo.

Dhanka dhalinyaradda ku nool magaaladaan oo badankoodu ah kuwa markii hore qaab qaxootinimo ah lagu keenay, ayaa waxaa ku yar kuwooda waxbarto oo Iskuulada aada ,waxaana intooda badan ay niyada ku hayaan iney mar un noqdaan Darawallo kaxeeya Baabuurta waa weyn ee xamuulka qaada (Truck) ,kuwaasi oo ay aaminsan yihiin iney lacag badan ka sameyn karaan.  

Najah Maxamed Cali
[email protected]