4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Sept 8 , 2016
Museveni: Afrika waa xarunta xigta ee koboca dhaqaalaha caalamka

Khamiis, Sitember 08, 2016 (HOL)-Madaxweynaha Uganda, Yoweri Kaguta Museveni ayaa ku baaqay in Afrika la maal galiyo asagoo sidoo kalena ku tilmaamay in Afrika ay tahay xarunta xigta ee koboca dhaqaalaha caalamka.

War murtiyeed Isniintii ka soo baxay aqalka madaxtooyada ee Uganda ayaa Madaxweyne Museveni ku tilmaamay xaalada Afrika mid aad u wacan inkastoo xoogaa caqabado ah ay jiraan.

Asagoo ka hadlaayay shir madaxeedka maal gashiga caalamiga ah ee Afrika, caasimada Kigali ee Rwanda ayuu sidoo kale sidaa sheegay madaxweynaha ruug caddaaga ah ee Uganda. 

“Waxaa jira kobocyo sareeya dalal badana waa ay kobcayeen inkastoo caqabado ay jiraan,” ayuu yiri Madaxweyne Museveni. 

Madaxweyne Museveni wuxuu sidoo kale ku dhiiriyay maalgashadeyaasha inay maal gashadaan Afrika maadaama ay aad u koreyso qaaradu.

“Waxaan u sheegi lahaa maal gashadeyaasha in Afrika ay tahay halka saxda ah ee ay tahay in la yimaado. Waxaa na heysta xoogaa caqabado ah oo aanu xallinayno,” ayuu yiri Museveni. 

Museveni wuxuuse ka digay maal gashadeyaal dhuuniyaal ah oo qiimeyaal sareeya wax ku sii iibsha si durba ay faaiidooyin buuran u helaan. Sidaa ayuu sheegay inay dadka ku ajaraan.

Shirkaa ayaa waxaa soo abaabulay ururka ganacsiga ee suuqa caamka ah ee COMESA.

Aaden M Warsame
Hiiraan Online
[email protected]