4/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Sept 8 , 2016
Soomaaliya iyo Suudaan oo kala Saxiixday Heshiis dhanka Waxbarashada ah

Khamiis, Sitember 08, 2016 (SONNA)-Wasiirka waxbarashada dowlada Soomaaliya Dr Cabduqaadir Cabi Xaashi ayaa heshiis dhanka waxbarashada ah magaalada Qartum kula gaaray Drs Sumaya Abuu Kashwah oo ah Wasiirka Wazxbarashada ee dalka Sudan.

Heshiiskaasi  ayaa ujeedkiisu ahaa xoojinta xiriirka  wada shaqeyneyd ee ka dhaxeeya Soomaaliya iyo Suudaan iyadoo wasiirka waxbarashada Dowladda Soomaaliya uu sheegay in deeqaha waxbarasho ee Dowlada Suudaan siiso Soomaaliya sanadka lagu kordhin doono  deeqaha waxbarasho ee Master iyo PHD halka markii hore deeqahaasi ay ku koobnaayeen bachelor digree.

Dr Cabduqaadir Cabdi Xaashi wasiirka waxbarashada ayaa intaasi sii raaciyay in deeqahan ay ka faa`iidi doonaan kumanaan arday oo aan awoodin in ay sii wataan waxbarashada  kala duwan.

wasiirka ayaa dhanka kale kulan xog waraysi ah la yeeshay ardayda dhigata jaamacadaha suudaan kuna qaabilay hoolka   jaamacada Africa isaga oo ka dhageestay  talo iyo tusaale, halka uu isna siiyay ardaydaasi baraarujin dhanka waxbarashada iyo in ay ku dadaalaan kana mira-dhaliyaan hadafka ay u soo baxeen.

Xigasho: SONNA