4/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Sept 8 , 2016
Guddoomiyaha degaanka Meru ee Kenya: Nolosheydu halis ayay ku jirtaa kadib markii qaadkii la mamnuucay


Khamiis, Sitember 08, 2016 (HOL)-Sida lagu daabacay saakay barta wararka ee mid ka mid ah wargeysyada Nairobi kasoo baxa, Guddoomiyaha  Meru oo ah deegaanka lagu beero qaadka Kenya ayaa sheegay in naftiisu halis ku jirto kadib markii diyaaradihii qaadka laga mamnuucay Soomaaliya.

Guddoomiyaha ayaa sheegay in ay jiraan dad doonaya inay khaarajiyaan maadaama uu aad uga hadlaayay in dhawaale arimaha la xiriira qaadka. Dhawaan ayaa wuxuu gobernatooraha Meru Mr Perter Munya tagay Hargeysa arintaa ayaana la sheegay in ay sabab u ahayd in dawlada Muqdisho ay joojiso diyaaradaha qaadka ka keena Kenya.

Dawlada Soomaaliya ayaa sheegtay in Mr Munya uu qaadka siyaasadeeyay una adeegsanaayo inuu dalka Soomaaliya ku kala qeybsho. 

Mr Munya ayaa sheegay inay jiraan oo uu ogsoon yahay ganacsato kooxo ah oo ay kujiraan qaatiliin kuwaasoo aan ka baqayn inay galaan dambiyo culus kuwaasoo weliba haatan asaga bartilmaansanaya.

"Kooxaha ayaa bilaabay inay igu bartilmaansadaan ayagoo adeegsanaya borobaganda badan oo suuqa khuseeya. Run ahaantii waa xaalad murugo leh," sidaa ayuu yiri asagoo ku daray, "waxaa la igu eedeynayaa inaan caqabad ku noqday suuq geynta jaadka'.

'Sideen dadkeyga lidi ugu noqon karaa?" Ayuu yiri. "Waxaanu ogsoon nahay in ay jiraan dad aan  faraxsanayn oo doonaya inay sameeyaan raasamaal siyaasadeed ayagoo ageegsanaya borobagaando ay baahiyaan," ayuu yiri gobernatooruhu.
 
Wuxuu  Mr. Munya sheegay in siyaasigii Meru ee caanka ahaa ee la oran jiray Ntai wa Nkuraru loo dilay aano jaadka la xiriidha, ayna jeclaan lahaayeen in sidaa oo kale ku dhacdo.

Shalay galab ayaa waxaa mudaaharaadyo hareeyeen magaalada Maua ee degmadaasi Meru ayadoo beeraleyda iyo ganacsatada jaadku ka cabanayeen dhibaatada ganacsigooda soo food saartay.

Waxay eedeyn dusha kaga tuureen dawlad deegaanka Meru ee uu Mr. Peter Munya hoggaamiyo iyo dawlada Soomaaliya.

Sidoo kale ayay ku eedeeyeen hoggaamiyeyaasha degmadaasi inay ka baaqsadeen inay baajiyaan xayiraada. 

Si kastaba ha ahaatee, qaar ka tirsan mudaaharaadeyaasha ayaa difaacay Gobernatoore Peter Munya, golaha dawlad deegaankaasna, xildhibaanada ayaa ku kala qeybsamay in gobernatooruhu eeda leeyahay iyo in kale.

Aaden M Warsame
Hiiraan Online
Caasimada Kenya ee Nairobi
[email protected]